Saturday, September 7, 2013

Shirkadda Twitter oo Xidhay Bogii Ingiriisiga ahaa ee Kooxda Alshabaab, maxaa sababay?


Muqdisho(GNA)-Shirkadda Internet-ka ee Twitter, ayaa ka xidhay Kooxda Alshabaab Bogeedii  Luuqadda ingiriisiga ku qornaa ee Twitter.




Bishii January ayay ahayd markii shirkaddu ka xidhay Xarakada Al-shabaab bog ay ku lahaayeen Internet-ka oo ay isticmaali jireen, xiligaasoo ay ku baahiyeen sawiro ku saabsan dil askari Faransiis ah oo ku dhintay Hawl-gal ciidanka Frances-ku ka fuliyeen somaliya.




Ma cadda sababta looga xidhay Al-shabaab Bogooda Twitter-ka, hase ahaatee waxa loo aanaynayaa u isticmaalka warbaahineed ee Kooxda oo batay maalmahan, waxaana bogooda ku xidhnaa tobanaan kun oo qof oo halkaasi ka daalacan jiray wararka ay soo dhigaan.




Weerar ay todobaadkii hore ku qaadeen kolanyo ka mid ahaa Ilaalada Madaxweynaha somaliya oo ku sii jeeday Gobolka Shabeeladda hoose, ayaa ka mid ahaa uguna dambeeyay wararkii Xarakaddu soo dhigtay bogooda, weerarkaasoo ay sheegteen, isla markaana ku tilmaameen mid ay khasaare badan ugu geysteen weftiga madaxweynaha.




Shirkadda Twitter ayaa hore shabakaddo Islaami ah oo ka jira Bariga dhexe uga xidhay Bogag ay u isticmaali jireen fidinta wararkooda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com