Taageerayaal Ingariis ah ayaa la dhaawacay ka dib markii ay isku dhaceen dhigooda Ukraine ka hor kulanka ay labada xul berrito ku ciyaarayaan Kiev ee isreebreebka Koobka Adduunka.
In u dhaxeysa taageerayaal 40 ilaa 100 gaaraya oo Ukraine ah oo mindiyo watay ayaa xalayto tagay Shato Bar oo ah meel dal xiisayaasha ay tagaan si ay u kiciyaaraan taageerayaasha England.
Dagaal ayaana ka dhex qarxay labada dhinac, iyadoo boliiska uu yimid meesha 10 daqiiqo ka dib.
Seddex taageerayaal Ingariis ah ayaa isbitaal loo qaaday ka dib dagaalka sida ay sheegeen saxaafada gudaha Ukraine.
Xulka Roy Hodgson ayaa hogaanka u haya Group H iyagoo leh 15 dhibcood waxaana ay farqiga goolasha kaga horeeyaan Montenegro. Ukraine ayaa seddexaad ku jirta iyadoo leh 14 dhibcood.