Sunday, September 8, 2013

Mesut Ozil: Lacag La’aan Xitaa Waan Ugu Biiri Lahaa Arsenal.


Kubadsameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa sheegtay inuu si bilaash ah ugu biiri lahaa kooxda.




Xiddiga Jarmalka ayaa u wareegay xagaagan kooxda Premier League ka dhisan, isagoo ka soo wareegay Real Madrid.




Waxaana kubadsameeyahan uu qirtay in wada sheekeysi uu la yeesay tababare Arsene Wenger inay ka dhaadhicisay inuu ka tago Santiago Bernabeu.




 




 




“Wadahadalkii aan yeelanay waxa uu iga dhigay mid ogaada wixii aan ku weysanaa Madrid, oo ah aaminaad, ixtiraam iyo daacadnimo” ayuu Ozil u sheegay Die Welt.




“Arsene waxa uu ii sheegay sida xaqiiqda ah ee uu ii arko, sida uu doonayo inuu ii adeegsado iyo waxa uu iga filanayo.




“Waxaan Arsenal ugu biiri lahaa si lacag la’aan ah.”