Saturday, September 7, 2013

Laba Gool Uu Dhaliyay Luis Suarez Oo Sarre U Qaaday Rajada Uruguay Ee Koobka Adduunka.


Weeraryahan Luis Suarez ayaa labo gool dhaliyay isagoo ka caawiyay in xulkii Uruguay ay 2-1 kaga talaabsadaan Peru islamarkaana sarre u qaadaan fursada ay u heystaan inay u soo baxaan Koobka Adduunka ee ka dhacaya Brazil sannadka soo socda.




Uruguay ayaa weli ku jirta kaalinta 5aad ee group-ka South America ee isreebreebka Koobka Adduunka, waxaana ay leeyihiin 19 dhibcood iyagoo seddex kulan uu isreebreebka ka harsan yahay, waxaana ay 7 dhibcood ka hooseeyaan xulalka hogaanka haya ee Argentina iyo Colombia.




Afarta xul ee ugu sareysa isreebreebka South America ayaa si toos ah ugu soo bixi doonta Koobka Adduunka, halka kooxda kaalinta 5aad ku dhameysato ay kulan play-off ah la ciyaari doonto xulka kale oo Asia ah.




Uruguay ayaa hogaanka ku qabatay gool rigoor ahaa, iyadoo Suarez rigoorada lagu galay islamarkaana uu si habsami leh gool ugu sarifay isagoo dhinaca qaldan u diray goolhaye Raul Fernandez.




Ka hor inta aan la aadin xilliga nasashada, Yoshimar Yotun ayaa casaan ka qaatay Peru ka dib markii uu qalad ku galay Suarez islamarkaana ku qasbay inuu istaago.




Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa aheyd mid labada dhinac ay weerar ahaan wada sinaayeen inkastoo Peru ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay islamarkaana ay isku dayayeen inay ku soo laabtaan ciyaarta.




Uruguay ayaana daqiqiadii 67aad heshay goolka labaad ee ciyaarta, waxaana mar kale shabaqa dhex dhigay Suarez oo dhaliyay goolkiisii 10aad ee isreebreebka.




 




 




Xiddiga garabka uga ciyaara Peru Jefferson Farfan ayaa hal gool u soo celiyay Peru ciyaarta oo lix daqiiqo dhiman.




Weeraryahanka Claudio Pizarro ayaa isna qeybtii hore waxaa labo fursadood oo dahabi ah ka beeniyay goolhaye Muslera.




Dhanka kale Colombia ayaa ku dhibco ah xulka hogaanka u haaya isreebreebka Koobka Aduunka South America ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen 10 ciyaaryahan oo Ecaudor ah, waxaana Colombia goolka kaliya ee ay ku badiyeen u dhaliyay James Rodriguez.




Xulka Chile oo hal kulan sii hor ciyaaray ayaa 3-0 waxa ay ku dubteen Venezuela, waxaana ay ku jiraan kaalinta 3aad iyagoo leh 24 dhibcood islamarkaana labo dhibcood ka hooseeya Argentina iyo Colombia.




Chile waxa ay guushaan kaga mahadcelineysaa seddex gool oo ka kala yimid Eduardo Vargas, Mark Gonzalez iyo xiddiga Juventus Arturo Vidal.




Kala Horeynta Isreebreebka Koobka Adduunka South America:




 




















































































































Xulka

Kulamada 

 

 

 

 

 

 

Dhibcaha

 Argentina

13

 

 

 

 

 

 

26

 Colombia

13

 

 

 

 

 

 

26

 Chile

14

 

 

 

 

 

 

24

 Ecuador

13

 

 

 

 

 

 

21

 Uruguay

13

 

 

 

 

 

 

19

 Venezuela

14

 

 

 

 

 

 

16

 Peru

13

 

 

 

 

 

 

14

 Paraguay

13

 

 

 

 

 

 

11

 Bolivia

14