Pages

Saturday, September 7, 2013

Haweenay Hurdo ku Dhammaysatay 59 –maalmood oo Xidhiidh ah


(GNA) Haweenaydan oo ka shaqayn jirtay xarunta qurxinta dharka iyo dadka ee Lewisham oo ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa si lama filaan ah u soo food-saartay xaaladdan hurdada dheer wadatada,




Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa xaalad caafimaad-darro oo ku habsatay darteed hurdo ku dhammaysatay muddo dhan 59 caana-maal oo xidhiidh ah.




 




Mss. Imaarl Duprey oo 23 jir ah intii ay huruday waxay ku jirtay xaalad la mid ah sida ilmo carruur ah, waxana aakhirkiina haleelay xannuunka la yidhaa Levin Syndrome (KLS) oo ah cudur ku dhaca hab-dhiska neerfisyada, sababana in qofku muddo dheer hurdo, isla markaana haya dad lagu qiyaasay 1,000 qof oo daafaha adduunka ku kala nool.




 




Haweenaydan oo ka shaqayn jirtay xarunta qurxinta dharka iyo dadka ee Lewisham oo ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska,




waxa si lama filaan ah u soo food-saartay xaaladdan hurdada dheer wadatada, waxaanay jiifka ka kacdaa oo keliya marka waalidkeed u toosiyaan cuntada, cabbitaanka iyo inay musqusha gasho.




 




"Dhab ahaantii arrintan saamayn weyn bay ku yeelatay naftayda iyo qoyskaygaba. Maalmihii hore ee cudurkan KLS amma Beauty Syndrome i haleelay hooyaday waxay u haysatay in aan nasanayo oo aan daalay, aniguna sidaasaan u haystay, balse waxaan u baahday qof xaaladayda la socda. Hooyaday iyo walaashay ayaa iga shaqaynayey," ayey tidhi Imaarl.




 




Mss. Imaarl oo dhibaatadani haleeshay sannadkii 2008-dii iyadoo 18 jir ah waxay markii u horraysay huruday 10 maalmood, "Mararka aan diyaaradaha raaco waxaan dareema lulo aan xad lahayn, laakiin waxaan isku ballamiyaa dadka qaar inay xaaadayda la socdaan. Haddii aan goob shaqo tago amma aan baararka tago waxaan is arkaa anigoo sibidhka seexday, qof kastaana i dulmarayo."




 




Dr. Guy Leschziner oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada neerfisyada iyo hurdada, ayaa sheegay in cudurkan haweenaydan hayaa yahay mid asiiba hab-dhiska neerfisyada, kaasoo keena in qofku aannu hurdaba ka bixin muddo toddobaado amma bilo ah.




Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com