“Gaani saaxiibo hore ayaan nahay. Noloshayda ayuu badbaadiyey, hadaad is-barataan..”
Salaanta islaamka ka dib, wakhtiyo kala duwan ayey ii muuqanayeen warar jiritaankoodu liito ama aan caddeymo ku filan loo hayn oo ashkhaas kala duwan warbaahinta maxaliga iyo kuwa cadowga dibeddaba ku baahinayeen, oo Faysal C. waraabe, Gud. UCID ugu badnaa, nasiib daro-se waayey fal-celiskii bulshada ee muujinta taageerida ama diidmada qoraaladaa.
In badan oo bulshada ka mid ah ayaa fikrado kala duwan ka bixiyey jawaab madaxweyne Siilanyo ka bixiyey been-abuur Faysal C. waraabe u jeediyey, laakiin, ma is-weydiisay bulshadu waxa is-gaadhsiiyey maxadweynaha iyo Faysal? Waa gaabis waxgaradkii/aqoonyahankii dalku kaga baaqsadeen gudashada waajibkii ka saarnaa garnaqa.
Haddaba, annigoo muddo dhowrayey muwaadin guta waajibka saaran, ayaan helitaan la’aanteeda ka dib, naftayda ku ajburay inaan ka guto waajibkaa dhinacayga, laga bilaabo maantana maqaalo joogto ah kaga hadli doono warar iyo qoraalo aan cadeymo wadan oo inta badan soo waaridaan xubno caadeystayaal ah.
Akhristeyaal, Ilaahay waxuu quranka kariimka inoo sheegay “Hadii mid faasiq(beenaale) ah war idiinla yimaado iska hubsada…” haddaba annigoo gudanaya waajibkaa, waxaan baadhitaano u galay warar eedo culus oo Faysal Cali waraabe u xambaariyey Madaxweyne Siilaanyo, natiijadii ii soo baxdayna oo noqotay af-kala-qaad (Vice-verse), halkan ayaan idiinku soo gudbinayaa, warbaahinta maxaliga iyo weliba kuwii gaar ahaan qoray waxaan ka codsanayaa inay baahiyaan jawaabaha, ilayn waa waajib saarane, maadaama ay eedahiiba qoreen.
Sidaan hore u soo sheegay maqaaladan oo hadii ilaah idmo joogto ahaan doona usbuuc walba waxaan ku bilaabayaa war eedeyn ku saabsan madaxweyne Siilanyo, oo faysal C. waraabe bixiyey.
Gabay hore ayey ku jirtay ‘maxkaxdaadu yey noqon maqal lagula leeyahay’ waxaan uga socdaa, ha aaminin wax kastoo laguu sheego (qoraalkaygana ku dhehoo) ilaa aad xaqiiqsatid ilaha uu ka soo xiganayo cadeymaha uu xambaarsan yahay.
Markuu soo baxay warkii eedeynta faysal c waraabe, waxaan u dhaqaaqay helitaaka xaqiiqooyin lagu qanci karoo balse waxa ii soo baxday natiijo caksi ku ah eedahii aan baadhiitaanadooda waday, waana tan ee si dhow u dhugo akhriste adigaaba yaabi doona sidaydee!
Maxamed Baaruud, oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFO, ayaa bug uu qoray oo Weerane la yidhaahdo kaga waramay bogga 34aad cadeymo la xidhiidha musuqmaasuq faysal C. waraabe xabsi xamar ku yaal ugu jiray iyo gacantii Jen. Gaani ku lahaa siideyntiisa iyo arrinkuu faysal ugu abaalguday gaani…
“ 1981-kii laba dhacdo oo isku beegmay waxay bedeleen xaaladihii siyaasadeed ee goboladii waqooyi (Somaliland), ku dhawaaqistii SNM iyo u so bedelkii Gen. Gaani waqooyi. Markaa ka dib Gen. Gaani waxuu la kulmay saaxiibo hore doonayey inay wax kala qabtaan xilka loo magacaabay. Mid ka mid ah saaxiibaduu ugu kalsoonida badnaa (Faysal Cali Waraabe), nasiibdaro waxuu ugu jiray xabsi ku yaal Muqdisho oo eedo musuqmaasuq loo haystay, dad la mid ahna hore loogu qaaday xukuno dil ah musuqmaasuq gaadhayey boqol kun shillin.
Iyadoo arrinkaa maskaxda lagu hayo ayaa odeyaal kala duwan isga gooshayeen muqdisho iyo Hargeysa si looga badbaadiyo xukunka dilka ah, ayaa Gen. Gaani utegay Siyaad barre, una sheegay wax madaxweyne geele-jabuuti ku guuldaraystay u sheegistiisa, wakhti nin ilmaabti ahaayeen loo haystay eedo musumaasuq, halkaas oo Gen. Gaani kagala soo baxay xabsigii Faysal Cali waraabe, kana dhigay nin xor ah, amarka ilaahay ka sokow, Gen Gaani ayaa badbaadiyahiisa noqday Faysal.
Wakhtigii xigay ee faysal hargeysa yimaado waxay ahayd xilli uu martiqaad ka helay saaxiibkii Gaani. Dad badan oo UFO ah intaan la xidhin ayuu Faysal C. waraabe la kulmay, inakstoo aanan wada hayn hadalkiisii muddada oo fogeyd awgeed, haddana waxaan ka sii xusuustaa ‘ Gaani saaxiibo hore ayaan nahay. Noloshayda ayuu badbaadiyey, hadaad is-barataan, waad dareemi lahaydeen waxaan idiin sheegayo. Xukuumadu waxay dagaal kula jirtaa qabiilka Majeerteen, ee maaha Isaaq. Waxuu haystaa dhegta adeerkii (Siyaad Barre), wax badana wuu u qaban karaa waqooyi. Aan ka dhigano saaxiib intaan cadow u arki lahayn1”
“Sida eedahii maxkamada UFO la saaray lagu sheegay Faysal C. waraabe waxuu markuu ku laabtay Muqdisho soo siiyey magacyada laba nin oo kalsooni weyn ku qabay lana shaqeyn doona Gaani.
Madaxii HANGASHTA Ciid, ayaa maxkamada horteeda ka qiray in magacyada dadka la eedaynayo soo siiyeen labada nin (nimankii Faysal hore Gaani ugu sheegay inay la shaqeynayaan).”
Intaa hadaan ku dhaafno cadeymo maxamed baaruud ku sajilay buugiisa Weerane, waxaan xusuustaa xilli wargeyska HAATUF, wareysi uu Muuse jaambiir la yeeshay Faysal Cali waraabe ku weydiiyey xilliga xidhiidhkiisa Gen Gaani iyo siday isku barteen ayuu faysal ku jawaabay “Walaashay ayaa iskaaya bartay…Gaani.”
Waxaan kaga baxayaa, waxaan baadi doonayey xaqiiqada waxa ka jira eedo msuqmaasuq faysal C. waraabe la xidhiidhiyey madaxweyne Siilanyo, balse waxa ii soo baxay cadeymo muujinaya musuqmaasuq xabsiga loo dhigay Faysal c. waraabe iyo cidda kala soo baxsatay xabsigii iyo abaalkuu u galay.
Maqaalka xiga waxaan kaga hadli doonaa sifahii isagoo ka soo horjeeda musuqmaasuq madaxweyne Siilanyo xilkiisii wasiirnimo Siyaad barre kaga qaaday iyo kaalintuu ka soo qaatay dardargelint ururkii SNM markuu hogaanka u qabtay oo buugiisa uu ku cadeeyey Jaamac M. Qaalib.
Guuleed
a.guled@yahoo.com