Iker Casillas ayaa waayay booskiisa Real Madrid intii uu ka hoos ciyaarayay Jose Mourinho sababtoo waxa uu isku dayay inuu xaliyo qilaafkii ciyaartoyda Isbaanishka ee Barcelona iyo Real Madrid ka dhaxeeyay, sidaasi waxaa yiri tababaraha Spain Vicente del Bosque.
Dhowr ciyaarood oo labada kooxood ay kulmeen intii uu Mourinho Spain joogay ayaa ku dhamaaday isqabqabsi xoogan iyo is eedeyn badan, inkastoo kulamadii ugu danbeeyay aysan sidaas aheyn.
“Waa run xilli adag uu ku jiray xulka qaranka markii ciyaaraha Real iyo Barca ay noqdeen kuwa qariib ah, Casillas ayaa ka caawiyay ciyaartoyda inay iska ilaawaan qilaafkooda kooxeed islamarkaana koox ahaan wax kuwada guuleystaan sida Euro 2012″ ayuu Del Bosque u sheegay idaacada Onda Cero.
“Talaabadaas uu qaaday dadka qaarkiis lama aysan dhicin, taasna waxa ay saameyn ku yeelatay Iker” ayuu hadalkiisa raaciyay Del Bosque.
“Waxa uu fure u ahaa inuu nabad dhex dhigo xulka qaranka.”