Dacar Budhuq(GNA)-Dadka ku safra waddada isku xidha Magaaladda Hargeysa iyo Berbera, ayaa handidaad kala kulma Kooxo dhalinyaro ah oo ka mid ah Bulshadda Deegaanka Dacar-budhuq ee degmada Laasgeel, kuwaasoo Boob iyo dhac u geysta dadka Baabuurta la socda iyo Gawadhida Xamuulka qaada ee jidkaasi ku gooshaa marka ay ku xanibmaan Dooxa weyn ee Magaaladaasi Dacal mara oo isaga laftiisu dhibaatooyin dhanka socodka ah keena marka ay biyuhu ku soo rogmadaan.
Qaar ka mid ah dadka waddadaasi ku safray, ayaa sheegay in kooxo dhalinyaro ah oo deegaanka u dhashay Boob kula kaceen tiro gaadiid ah todobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo qaarkood ay dadkii la socday ka qaateen Alaabtii siteen,halka qaarna badeecaddo ganacsi oo ku rarnaa ay boobeen.
Goob-joogayaasha ayaa sheegay inay arintani tahay mid soo jiitamaysay ilaa bilowga xili roobaadka, tahayna mid soo kordhaysa, sida ay ka soo xigteen bulshada deegaanka, iyadoo wax ka qabashadeedana ilaa hada aanay ku guulaystay Hay’adaha amaanka ee degamada iyo Maamulku toona.
“Meesha marka dooxu soo rogmado waxa ku xanibma Baabuurta Hargeysa ka tagta iyo kuwa ka yimaada Berbera, waxaanay halkaasi ku hakadaan wakhtiyo badan, markaa waxa meesha ka dilaacay kooxo dhalinyaro ah oo dadka Baabuurta la socda booba,gawaadhida Shixnadaha Ganacsiga sidana booba, maalin dhaweyd oo ugu dambeysay waxa dhacay Gaadhi yar oo Bas dad la socday waa la boobay , waxaana laga qaatay alaabtii ay siteen rakaabku, Gaadhi kale oo Jaad sidayna intay Jawaanadii Dilaaciyeen ayay qaadkii la baxeen, markaa meesha dhibaato caynkaas ah ayaa ka taagan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dad goob-joog u ahaa xatooyo dad wada maraya lagula kacay.
Dhinaca kale Maamulka Deegaanka ee dawlada iyo Hay’adaha amaanka oo aanu isku daynay inaanu waydiino sababta wax looga qaban waayay Budhcad-nimada dhalinyaradani laga sheegay, ayaanay noo suurto gelin ka dib markii qaarkood Telefoonadooda gacanta oo aanu ka wacnay ka Jawaabi waayeen.
Hase ahaatee xubno ka mid ah Bulshada Rayidka ah ee degmada, ayaa Gobanimonews u sheegay inay Ciidanka amnigu ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatooyinkan lagu hayo dadka socdaalka, waxaanay intaasi ku dareen in dhawr jeer dhalinyaro loo xidh-xidhay falalkan markiiba la soo daayay.
Eedda ugu badan ee la xidhiidha arintan, ayaa dusha laga saarayaa Taliyaha Ciidanka Bilayska ee Deegaanka ka hwl-gala, waxaanu lagu eedeynayaa in cabashooyin looga gudbiyay falalkan uu waxba ka qaban waayay, kuna dooday in dadka la dhacayaa Hantidooda Ilaashadaan.
Maamulka dawlada ee deegaanka laftiisa ayaa dadka arintan ka cabanayaa sheegeen inay la qabaan gaabiska Bilayska, iyagoo intaasi ku daraya in hadii aan talaabo degdeg ah oo falalkan lagu joojinayo dawladu qaadin ay ku sii fidi doonto Deegaamada kale ee Laamigu maro ee dooxyada noocan ahi ku yaalaan.
Dooxa mara Dacar-budhuq ayaa ah ka ugu dhibaatada Badan marka biyuhu marayaan, waxaana sanad kasta ku haligma oo daadku ku qaadaa Gawaadhi dad la socdaan iyo kuwo Ganacsi, kuwaasoo inta badan isku daya inay xoog ku jiidhaan Biyaha, balse hadu halkaasi ku haleesho, inkasta oo ay jiraan dad badan oo ka bad-baadaa.
Shilkii ugu dambeeyay ee Dooxaasi sababay wuxuu ahaa kii uu dhintay Alle ha naxariistee Marxuum Suldaan Barre Shire Warsame bishii hore dhamaadkeedii.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com