Ceerigaabo(GNA)-Israsaaseyn muddo socotay ayaa Maanta Magaalada Ceerigaabo ku dhex martay Ciidamo ka tirsan Bilayska iyo Milateriga Somaliland iyo Kooxo hubaysan oo shacab ah, ka dib markii muran ka dhashay Xarumo loogu talo-galay in lacagta shilin somaliga lagu bedelo oo laga sameeyay qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada.
Kooxo ka soo horjeeda hawsha lacag bedelka oo maalmahanba ka socotay Magaalada Ceerigaabo, ayaa Albaabada u xidhay dhawr goobood oo lacagta lagu bedeli lahaa, kuwaasoo laga sameeyay , Kulmiye October,Daallo, Lafoole iyo xagasha, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad Goob-joogeyaal ah.
Arintan ayaa sababtay in ciidamo Bilays iyo Milateri isugu jira oo la geeyo goobahaasi, iska hor-imaad hubaysani dhex maro Kooxo shacab ah oo Hubaysan, kuwaasoo iska caabin rasaas loo adeegsanayo kala hor yimi Ciidanka, sida ay goob-joogayaashu sheegeen.
Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo iska hor-imaadkan oo saacad iyo dheeraad socday ka dhashay, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in Guryo dhagax ah iyo Sandaqado Dukaamo yar-yari ku yaaleen Rasaastu waxxyeelo gaadhsiisay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo Saraakiisha Ciidamad oo la xidhiidha iska hor-imaadkan, hase ahaatee wararka laga helayo Magaalada ceerigaabo aaya sheegaya in israsaaseyntii joogsatay, ka dib markii Roob Mahiigaan ah ku hooray Magaalada, kaasoo sababay inay iskeed u joogsato Xabaddu.
Dadka ku nool Xaafadahan lacag bedelka laga diiday ayaa la sheegay inay ku doodayaan in lacag ku filan oo ay shilin somaliga ay haystaan ku sarifaan loo keeno, hadii kale laga joojiyo, taasoo ka hor imanaysa go’aanka dawladu ku madnuucday isticmaalka Lacagta somaliya, ka dib muddo afar maalmood ah oo ay magaalada ka socday hawl-gal dadka loogu bedelayo lacagtaasi.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com