Burco(GNA)-Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa Boob iyo bur-burin lagu hayaa Dhulka Xabaalah ah, taasoo ay ka dilaaceen kooxo si badheedh ah dadka kale uga iibiya ama iyaguba u dega meelaha Xabaalaha ah ee gudaha Magaalada, iyagoo aasaarta xabaalaha ama dhagaxa la dul saaro habeenkii marka la hurdo ka Gura.
Sida ay Gobanimonews u sheegeen xubno ka mid ah Bulshada Magaaladu, arintan ayaa gaadhay heer ah in meel xabaalo lagu ogaa subaxdii lagu arko meherado ama degaan kale, waxaana si arintan wax looga qabto magaalada Burco xalay dhacay kulan lagaga dooday sidii loo dabaqabateyn lahaa boobka lagu hayo dhulka Xabaalaha ah.
Shirkan oo ay qabanqaabisay dawlada hoose ee Burco, waxa ka soo qayb galay maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad, Culimada iyo dhamaanba iimaamyada masaajidada magaalada Burco,waxaana shirkaas lagaga dhawaaqay sidii qaadhaan loogu Ururin lahaa isla markaan Gudi loogu samayn lahaa sidii xabaalaha inta hadhy loo badbaadin laaa ma gaydhadh loogu wareejin lahaa.
Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf cabdi oo shirkaas ugu horayn ka hadlayayaa yidhi''waxaa naloo xaqiijiyay in niman la garanayo intay habeekii xabaalaa Faralay ula tagaan Baloodh ka soo saaraan oo la dego,waxaynu isugu nimi an arintaas aan iska kaashano Culimo iyo dawlad ahaan”ayuu yidhi Maayir Muraad.
Waxaanu intaasi ku daray inay arintan ka dawlad hoose ahaan arkeen iyadoo suuliyo laga dhigtay Xabaalaha dushooda.
Shiikh Yuusuf Cabdi Cawed,shiikh Cabdi wahaab iyo shiikh Aadan oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay arintani leeday iyo Cuqubadda laga dhaxlayo If iyo Aakhiraba, waxaanay dadyawga Muslimiinta ah ka codsadeen in joojinta arintan laga qayb-qaato.
sidoo kale salaadii jimce ee Maanta ayaa masaajidada magaalda Burco lagaga hadlay Boobka Dhulka Xabaalaha ah, waxaanay Culimadu codsadeen in arintan layska kaashado , iyagoo ku tilmaamay Ficil Diinta iyo dhaqankaba ku xun.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com