Pages

Saturday, September 7, 2013

Bayaan: Ma jirto cid Deegaanka Gumbur libaax ku Rasaasaysay Shirkaddaha Shidaalka Baadhaya”.


Burco(GNA)-Hadii aanu nahay Cuqaasha,waxgaradka iyo odayaasha Degaanka Gumbur libaax,waxaanu halkan ku beeninaynaa,war ay warbaahintu qortay oo sheegayay in degaanka Gumbur libaax lagu rasaaseeyay shirkada shidaal baadhista.




waxaanu cid kasta la socdsiinaynaa inaanu jirin warkaasi,haba yaraatee cid deegaankaas ah oo wax ku rasaasaysay aanay jirin deegaanka Gumbur libaaxna uu yahay degaan nabad ah.




waxaanu aragnaa cida warkaas samaysay ay doonayaan inay iyagu sameeyaan falal argagaxiso,sidoo kale shebekada warkan qortay waa in sharciga la horkeenaa, waayo waxay wax u dhintay deegaan dhan oo umadi degantahay.




Meesha ay maalintaas falku ka dhacay waa deegaanka Udawayne oo ka tirsan degmada qoryaale,degaanka Gunbur libaaxna ma hoostagto  Qoryaale.




Odayaash bayaanka soosaaray:-




1)Bile Samatar Jaamac (Haydhka)




2)Siciid Jaamac Muuse




3)Xuseen Aaadan Maxamed




4)Muuse Yuusuf warsame




5)Cismaan Maxamed Xiiray




6)Cawil Saleebaan Aaadan




7)Bare Muuse Qaday




 




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office