Muqdisho(GNA)-Xarakada Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weeraro qaraxyo ah oo maanta barqadii gilgilay magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen dad tiradoodu kor u dhaafayso sodon qof, ilaa Kontomeeyo kalena ku dhaawacmeen.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska warfaafinta Xarakada Al Shabaab oo lagu baahiyay Mareegaha afka Ururka ku hadla ayaa lagu sheegay in Dagaalyahano ka tirsan Ururkaasi fuliyeen qaraxyada ah la beegsadeen halka loo yaqaano maqaayadda The Village ee ku taalla degmada Xamarweyne, halkaasoo, sida qoraalka Kooxda lagu sheegay xarun u ah Jawaasiista gudaha iyo kuwa caalamiga ah intaba, sida hadalka loo dhigay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo goor sii horaysay ka qayb-galay shir ka furmay magaalada Muqdisho ayaa Cambaareeyay weerarkaasi, waxaanu masuuliyada cida ka dambeysa dusha ka saaray Kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa ka markhaati kacay in dad badan lagu laayay qaraxaasi, waxaanu cida fulisay ku tilmaamay kuwo cadow ku ah nabad-gelyada iyo noloshada shacbiga Somaliyeed, isagoo intaasi raaciyay in dawladu talaabo deg-deg ah oo wax lagaga qabanayo ay qaadayso.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com