Burco(GNA)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar x. C/laahi (Xamarji) ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku laalayo,dalab qoraal ah oo ay u gudbiyeen todoba xildhibaan oo ka mid Golaha Deegaanka Burco, kaasoo ay ku dalbanayeen in loo qabto kal fadhi aan caadi ahayn.
Waraaqdan uu Badhasaabku ku laalayo kal fadhiga ay xildhibaanadu ku dalbanayeen kalfadiga aan caadiga ahayn ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii uu shalay Badhasaabka Gobolku xubnihii Golaha degaanka ee mooshinka Maayarka ka dhanka soo qoray uu kula shiray xafiiskiisa kana dalbaday inay arintaas dib ugu dhigaan maadaama uu xeerku u ogolyahay in ay sadex meeloodow laba meelood ay soo gudbin karaan mooshin ka dhan ah Guddoonka Golaha,taasoo ay isku afgaran waayeen xubnihii mooshinka watay iyo badhasaabka Gobolku, ayaa badhasaabku go’aankan ka gaadhay.
Waraaqda uu badhasaabku ku laalayo Fadhiga Golaha deegaanka Burco oo nuqul ka mid ah ay heshay Mareegta Gobanimonews cadaynaysa, ayaa waxa uu soo qoray maalintii afraad ee ay u gudbiyeen xubnaha golaha degaanku halka xeerka ismaamulka Gobolada iyo degmooyinku qodobkiisa 66aad uu qabo in sadex casho gudahood lagu qabto kalfadhiga hadii golohu dalbadaan, halka uu badhasaabku cuskaday Laalista Fadhigaasi Qodobka 67aad ee xeer 23,Qodobkaas oo aanay ku cadayn wax xilka qaadis iyo mooshintoona,waxaanu qodobkani qeexayaa qaab dhismeedka Maamulka dawladaha hoose ee degmooyinka iyo xilalkooda ,halka ay xildhibaanada Golaha degaanka ee mooshinka maayarka ka dhanka ah soo gudbiyay ay qoraalkooda ku cadeeyeen sadexda qodob ee kala ah 1)baalmarid xeer NO-23 2)Maamul xumi 3)Latashi la,aan iyo maamul maroorsi golaha,Kuwaas oo dhamaantood ku cad Xeer 23 qodobkiisa 66 aad.
Hadaba qoraalkan uu badhasabka Gobolka Togdheer ku laalay kalfadiga ayaa waxa uu sida ay ilo xogogaali sheegayaan waxa uu ku yimi dhaqdhaqaaqyo fara badan oo ay maalmihii ugu danbeeyay ay wadeen Maayarka iyo kuxigeenkiisa iyo dawlada dhexe,kuwaasoo ka cabsi qaba in hadii uu kalfadhigaasi qabsoomo seeftu qaadan doonto maayarka iyo ku xigeenkiisa.oo lagu eedaynayo dawlada hoose ee magaalada burco inay boob fara badan ku hayso dhulkii danta guud, wax talaabo ahna aanay ka qaadin dawlada dhexe.
Waxaanay Digreetadan uu Badhasaab Xamrji ka maragkacaysaa sida ay Dawlada dhexe fara galinta ugu hayso Golayaasha dalka haday tahay gole degaan iyo mid baarlamaan,taas oo ka mid ah waxyaabihii ay ku dhaliili jireen dawladii Rayaale,waxaanay arimahani kusoo beegmayaan xili ay golayaasha degaanka ee dalka ka taaganyihiin is qabsiqabsi fara badani.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office