Tuesday, July 9, 2013

Wasiir Cukuse:Faysal Cali Waraabe Caqliga Umadda iyo Qarannimadda ayuu Caayayaa, Xirsi-na Waa Wasiir.."


Hargeysa (GNA)- Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta jawaab  ka bixiyay eedaymo uu Guddoomiyaha xisbiga UCID  u jeediyay Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiirkiisa Madaxtooyadda.




 Wasiir Cukuse ayaa ku tilmaamay dhawaaqa Faysal Cali Waraabe ka soo yeedhay qaar ceeb ku ah qaranimadda isla  markaana aan la qaadan Karin oo caqliga ummadda Somaliland wax u dhimaya.




Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ka sheegay  khudbad uu ka jeediyay Kulan balaadhan oo uu xarunta wasaaradaasi kula yeeshay shaqaale weynaha ka hawl-gala qeybaha kala duwan ee wasaaradda.




Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo daba socday eedaymihii Faysal  Cali Waraabe waxa uu yidhi “Waxaad arkaysaa dalkeena qof caqliga shacbiga caayaya oo caqliga dawladda caayaya oo caqliga ummadda caayaya oo inta uu makarafoon soo istaago siyaasi ah oo odhanaya halkan dawladdi kama jirto, oo odhanaya Madaxweynihii qaranka loo doortay ma  hayo  shaqadee ee waxa haya hebel qof kale ayuu sheegayaa. Dhaqanka noocaas ah Suxufiga wanaagsani ma faafiyo suxufiga wanaagsani haddii uu madax banaan yahay iyo haddii uu mid dawladeed yahayba ma faafiyo warka noocaas ah.”




 “Arrintaasi dhaqan wanaagsan ma aha in ummadda la caayo ma aha, Madaxweynaha Somaliland waa madaxweynihii uu la sharaxnaa  ee doorashadii isaga (Guddoomiyaha UCID) 100% foodka kaga helay. Markaa inuu yidhaahdo ma shaqaynayo dadku ninka ay jecel yihiin way doorteen waana Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagaana xilka haya. Eedaymaha noocaas ahina qaranimadda ceeb iyo waxaan la qaadan Karin ayay ku tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.




 Mudane Cabdilaahi Cukuse waxa uu ka hadlay Wasiirka Madaxtooyadda oo uu ku tilmaamay Wasiir Isaga la mid ah, hase yeeshee leh mustaqbal soo ifaya, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasiirka Madaxtooyaddu, Waa Wasiir Aniga ila mid ah,  Waa Wasiir Wasiirrada ka mid ah, laakiin mustaqbal ifaya ayuu leeyahay, Ninka Xaasidka ahna waxaanu leenahay ILAAHII abuurtay ayaa mustaqbalkaas ifaya ugu deeqay, ugu ducee, ku kaalmee habaarka ka daa maxaad u xaasidaysaa?.”




 Wasiirka Warfaafinta  waxa uu sheegay In Wasiir Xirsi ILAAHAY siiyay karti ka weyn xilka Wasiirnimo, iyaguna ay soo dhawaynayaan, waxaanu yidhi  “Wasiir Xirsi Mustaqbal Wasiirnimaddan ka weyn ayuu  leeyahay  oo uu  ILAAHAY siiyay oo ifaya, Annaguna waanu soo dhawaynaynaa. Qof kasta oo muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo karti noocaas oo kale ah la yimaadana ILAAHAY ha u siyaadiyo, ma xaasidayno Annaggu. Ka xaasidayana waxaanu leenahay ILAAHAY uurkaaga biyo qabow ha ku shubo oo ILAAHAY calooshaada ha hagaajiyo.”




Gobanimonews




Hargeysa Office