Pages

Monday, July 8, 2013

Saylici: Waxa Ceeb inagu ah in Cuntooyinka Hudheeladeena lagu cuno dibada laga keeno, inagoo Bed iyo Beri haysana






Hargeysa(GNA) “Waxa inagu ceeb ah in dalkeena beed iyo basal, baradho iyo digaaga hudheeladeenu lagu kariyo ay dhamaan dibaa inooga yimaadaan”sidaasi waxa yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo Maanta xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo ay Shirkadda Deero Group ka hirgeysay Caasimada Hargeysa.




Dhismahan oo ah Xarun Ganacsi oo casriga ah waxaa xaflad  xadhiga lagaga jaraayay ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kooban sadexda gole qaran iyo marti sharax kale duwan.




Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi (Seylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa  “waxa dhamaanteen sharaf inoo ah in Somaliland markii koowaad laga hirgaliyo meel noocan ah waxaan mahadeeda iska leh shirkada Indho Deero Group bilicdii magaalada Hargeysana wax wayn ku soo kordhiiyay.




Waxaan guud ahaan ganacsatada Somaliland iyo qurba joogaba ugu baaqayaa in ay dalkooda maalgashadaan si dadkeenu shaqooyin  uga helaan. Waxa kale oo Madaxweyne ku xigeenku u mahad celiyay muwaadiniinta halkaa ka furtay 20 tanka meheradoodo waxaanu yidhi “wax kale oo aanu halkan ka hanbalyaynayaa dhalinyarada ganacsiyada kale duwan ka furtay, waxaanu leenahay Allaa ha idiin barakeeyo oo ha ka dhigo ganacsi guuleysta.”.




Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ka hadlay qorshaha dawlada ee ku aadan horumarinta Ganacsiga “Dawlad ahaana waxaanu diyaar idiinla nahay  inaanu garabkiina istaagno haddii ay amniga tahay iyo hadii shuruucda kale ee dastuurku tilmaamayo, suuqa xorta ahna la ilaaliyo ganacsatadeena waxaa looga baahan yahay inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan.




Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici waxa u soo jeediyay  ganacsatada Somaliland inay maalgashiga u leexiyaan sidii ay u maalgashan lahaayeen wax soo saarka dalkeena oo baahi weyn aynu u qabno waxaanu yidhi  isaga oo Madaxweyne ku xigeenku arrintasi ka hadlaya “waxaan shirkadan Indha Deero Group iyo kuwa  la midka ah u soo jeedinayaa in aad maalgashataan khayraadka uu dalkani leeyahay hadii ay tahay dhinacyada kalluumaysiga iyo beeraha iyo khayraadka kale duwan ee dalkeena ka buuxa.”




 




Cabdiraxmaan Saylici ayaa dhanka kale sheegay “Waxa inagu ceeb ah in dalkeena beed iyo basal, baradho iyo digaaga hudheeladeenu lagu kariyo ay dhamaan dibaa inooga yimaadaan, inaga oo bariga intaa le’eg haysana, Somaliland oo dhan arrintaasi waa ceeb dulsaaran, taana waxaynu kaga baxsanaynaa in ganacsatadu lacagtooda u leexiyaan wax soo saarka dalka oo aynu ka baxno wax dibad laga soo dhoofiyo hadii dalka laga beeri karo, waxaan hubaa haddii ganacsatada la mid ah Indho Deero Group ay dalka wax soo saarkiisa maalgaliyaan in laga baxayo”.




Xaflada xadhiga lagaga jaraayay suuqan casriga ah ee shirkada Indho Deero Group ka hirgalisay caasimada dalka ee Hargeysa, waxaa ka hadlay maamula guud ee shirkada Mustafe Xaaji Cabdi Indho Deero, waxaanu yidhi “Deero Mall) kan aynu maanta xadhiga ka jarayno waxaa maalgalisay shariikada Indho Deero Group of Kanbani, dhismahan casriga ah ee aynu furaynaa wax uu ka kooban yahay 20 meheradood oo mid waliba  hayso ganacsi gaar ah oo dadku u baahan yahay sida aadka warqabtaa shariikada Indho Deero, waxay ku jirtaa ganacsi iyo kale duwan oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha nool soo dajinta alaabaha kale duwan hadii ay raashin tahay iyo hadii ay wax kale tahay, dhismayaal ganacsi iyo huteelo waaweyn oo dalka oo dhan laga hirgaliyo dhismahan aad maanta arkaysaan oo markii u horaysay dalkeena laga furo qaybta xaawalada oo marka dalka baanka laga furo aanu furi doono Deero Baanka, waxaa qorshaha noogu jira in aanu suuqan casriga ah meelo kale ama kuwo la mid ah furno Inshaa Allaa”.




Gobanimonews




Hargeisa Office