Hargeysa(GNA)-Waddamada Daneeya Somaliland ayaa isha ku haya isbed-bedelada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya maalmahan dambe, ka dib markii lagu dhawaaqay Golaha wadatashiga Qaran ee ay ku bahoobeen Miisaan-qabayaasha siyaasadeed ee reer Somaliland.
Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed oo ay heshay Gobanimonews ayaa tibaaxaya inay dhawr safaaradood oo ay leeyihiin Dawladaha Reer Galbeedku xidhiidh la soo sameeyeen Kooxda Golahan ku bahoobay, isla markaana ay aragtiyo ku saabsan Marxalada siyaasadeed ee wadanka iyo qorshaha Golahan kala hadleen.
Safaaradahan oo sida ay wararku sheegayaan ka mid yihiin Safaaradaha Norway, Sweden, Ingriiska, Denmark iyo Maraykanka ee fadhigoodu yahay Magaalooyinka Nairobi iyo Addis-ababa , ayaa la sheegay inay Golahan u soo dhaweeyeen si la mid ah, sida ay Bulshada Reer Somaliland u soo dhaweysay, aasaaskooda.
Ma jiro war sugan oo ka soo baxay dhinaca Golahan oo xaqiijinaya jiritaanka warkaasi, hase ahaatee Wakiilo ay ku leeyihiin Wadamada safaaradahani degenyihiin, ayaa laga soo xigtay inay heleen fariimo iyo qoraalo lagu soo dhaweeyay aasaaska dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed, ee aanay xukuumadda siilaanyo la dhacsanayn.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Kooxda Golahan aasaastay helayaan taageero dhinacyo badan uga imanaysa oo u suurto gelinaysa inay shacbiyad ku kasbadaan, isla markaana culays siyaasadeed ku saaraan xukuumadda talada haysa.
Maalintii Golahan lagu dhawaaqay ayaa la sheegay inay Magaalada Hargeysa kula kulmeen Ashkhaas ajaanib ah oo gudaha waddanka ku sugan, kuwaasoo aan ilaa hada la xaqiijin waxay ka wada hadleen iyo ujeedada kulankooda toona.
Golahan, ayaa sida la sheegay waxay samaysteen Xafiis balaadhan oo ku yaala Degmada Axmed Dhagax, waxaanay doonayaan inay waajahaan hadafaka iyo himiladooda siyaasadeed ee wakhtigan ku dhalisay inay hawshan bilaabaan, inkasta oo ay durba xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mawqif adag iska taagtay qorshaha ay wataan oo sida ay sheegeen ah toosinta iyo ka talinta khaladdaadka siyaasiga ah ee waddanka ka dhacaya.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Dawladaha Daneeya Siyaasadda Somaliland oo soo dhaweeyay Golaha Bad-baadinta iyo Toosinta Qaranka