Pages

Saturday, July 20, 2013

Berbera Ilaa Istanbul: Mahadhooyinka Socdaalkii Waftiga Somaliland Ee Turkiga.Muniir Axmed Cigaal Q2-aad)


Waftiga Somaliland ee wadahadala Istanbul ka qayb galaayay, waxaa ka sii horeeyay dhigooda dalkaasi Soomaaliya. Galinkii danbe ee Sabtida  bishuna ay tahay 6/7/2013, ayaa lagu wargaliyay labada waftiba in Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Turkugu Ahmet Davutoglu, uu si rasmiya u furidoono shirkii afraad ee wadahadalada labada dal.




Abaaro 4:00pm galabnimo ee wakhtiga Istanbul, ayuu Wasiirul Khaarajiyaha Turkigu shirkii afraad ee labada waddan yeeshaan albaabada ugu furay, munaasibad ay u dhanyihiin, labada wafti ee wadahadalku dhexmraayo, saxaafadda caalamiga ah iyo mida waddanka Turkiga. Hadal kooban oo gubaabo u badnaa ayuu Mr. Davutoglu ka jeediyay madashii.  Maalintii Axadda sida caadada ka ah dalkaasi fasax ayaa lagu jiray,  xagga wadahadalka labada dhinacna hakad ayuu galay, balse waxaa lagu wargaliyay labada wafti in safar dalxiis ah oo la tusaayo meelaha ay yalaan astaamihii iyo calaamadihii anbiyadii alle iyo axsaabti Rasuulka Alle Raali Haka Noqdee,  la soo marindoono.




Abaaro 10;00 subaxnimo ayaa nalaga galbiyay Huteelkii aanu degenayn, waxaana gadhwadeen noo ahaa, hawl wadeenada Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Masaajidada waa weyn ee qadiimiga ah, Seefihii axsaabtii Rasuulka alle haka raali ahaade iyo madxafyo badan oo qaali ah ayuu socdaalkaasi koobsaday.




Markii safarkii dalxiiska ahaa soo afmeermay, waxaa waftiga lagu wargaliyay in bari oo Isniin ah uu si rasmiya u furmi doono wadahadalkii  labada dhinac. Xilli goor sheegtu ku dhawdahay 7;30 Subaxnimo, Maalintii  Isniinta ayaan soo kacay anoo markaa soo hurdo dhammaystay, shirku wuxuu furmaayay  9;00am. Subaxaas jawigu sidii hore wuu ka duwanaa, waxaan hoosta ugu imi waftigii Somaliland oo quraacanaaya isla markaana ku jira shir doceed. Waxaa hadalka markaas haystay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, wuxuu gacanta ku hayay warqad ay ku qornayeen  ajandaha Somaliland ay  shirka la tagayso, isagoo ay wajigiisa ka muuqato hal adagyd iyo muqaal ka duwan kiisa caadiyan looga bartay ee dhoolacaynta iyo fur-furnaantu ku dheehnayd.




Waftiga Somaliland waxaa meel u yaalay oo ay ku ballameen, inay ajandaha dhinacooda ugu horeysiyaan qodobka ah. In dalkaasi Soomaaliya, aqoonsado inay Somaliland ahayd waddan ku biiray isagoo dal ah, hadana 1991 ay la soo noqdeen xoriyadoodi. Dhinaca waftiga Soomaaliya, waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaa ka muuqday inay yihiin niman canaan badan qaba, isla markaana ay dhibayso in loo wada hadlaayo laba waddan oo Afrikaan ah, dawladda Turkigu siyaasaddas ayay qaadatay in laba dal loo wada hadlo, waxayaabihii xiisaha lahaa ee labada wafti laga dheehanaayay waxaa kamid ahaa, in kasta oo ay isku Huteel deganaayeen, hadana Xukuumadda Turkiga iyo Madaxda baratakoolku waxay meelaha cuntada u kala diyaariyeen, laba qaybood oo aad u kala durugsan,  muqaal ahaanse layska arkaayo. “Waar Baashe (Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka) Waa maxay labada meelood ee lakala fadhiistay maynu meel ku wada quraacano.” Weedhaas waxaa yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, intuu isa soo dultaagay Waftiga Somaliland.




“Cabdikariinow (Wasiir A/Gudaha Soomaaliya) colkaaga la fadhiiso annagu halkan ayaanu nahaye, sidaa  aynu laba dal u kala nahay ayaynu u-kala gooni nahaye, waa inoo shirka” Sidaana waaxaa ku jawaab celiyay Baashe Maxamed Faarax.




 




Lasoco Qaybo Kale Oo Xiiso Leh…




 




Muniir Axmed Cigaal




Hargaysa/Somaliland.