Pages

Monday, June 17, 2013

Wasiir Xirsi: Qarramadda Midoobay ma xukumaan Somaliland.”


Hargeysa(GNA)- Wasiirka Madaxtooyadda Somalland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Beesha caalamka ugu Baaqay inay aqbalaan iraadada shacbiga Somaliland ay ku go’aamiyeen xoriyadooda.




Wasiirka Madaxtooyaddu waxa kale oo uu sheegay in wada hadalo u socda Somaliland iyo Qarramadda Midoobay lagu sixi doono khaladkii UN-ku ay ku sheegeen inay maamulka Hawadda Somaliland ku wareejisay Soomaaliya.




Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu dhawaan siiyay Jariiradda East African Magazine, ee ka soo baxda Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxa kale oo uu waraysigaasi kaga hadlay qodobo badan oo ay ka mid ahayd asbaabaha Somaliland ay muddo 22 sanadood ah aqoonsi uga weyday caalamka.




Wasiirka Madaxtooyadda oo la weydiiyay inuu sharaxaad ka bixiyo sirta ay Somaliland ku xaslatay nabad-gelyadeeda iyadoo ku taala gobol dhibaataysan, waxaanu kaga hal-celiyay “Dadweynahayaga ayaa isku yimid, iyagoo ay Hoggaaminayaan Guurtiddu waxa si wada jir ah loo go’aansaday inay nabad gaadhaan. Mida kale Ururkii dhaq-dhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo la dagaalamayay Taliskii Siyaad Barre waxay SNM ahayd mid afartii sanadoodba si dumuqraadi ah u dooratay madaxdeeda, taasina waxay ahayd dhaqan aan qabatinay.”




Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyay su’aal kale oo ahayd maxaa caalamku u aqoonsan waayay Somaliland waxa uu sheegay “Ma garanayo sababta caalamku u aqoonsan waayay madax-banaanidayada qaran ee aanu iclaaminay, sababtoo ah qof kastaaba waxa uu xaq u leeyahay inuu go’aamiyo masiirkiisa. Waa in Beesha caalamku aqbashaa iraadadayadda aanu go’aansanay Madax-banaanidayadda.




Waxaanu qabsanay wax kasta oo dal u aasaasi u ah sida doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah, dhismaha laamaha dawladda oo shaqaynaya sida Garsoorka, Booliska iyo ciidamadda kala duwan.




Waxaanu xaqiijinay Nabdoonaan iyo xasilooni. Dadkayaguna waxay u codeeyeen aftidii inay qaranimadoodii iyo xoriyadoodii dib ula soo noqdaan.”




Wasiirku oo la weydiiyay sida uu u arko iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu sheegay inay bilaabmeen wada hadalo laba geesood ah, isla markaana ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga iyo nabadgelyadda. Waxa uu ku dooday in loo baahan yahay in ay aqbalaan in dadweynaha Somaliland ay xaq u leedahay inay xoriyadooda go’aansadaan.




Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyay sida ay u arkaan in maamulka hawadda Somaliland ay UN-ku u gacan geliso Soomaaliya, waxa uu yidhi “Qarramadda Midoobay ma xukumaan dalkayaga, Somaliland waxay leedahay dawlad shaqaynaysa oo xukunta dalkeedda. Markaa sidee ayay UN-ku u odhan karnaa waxa hawadayada maamulaysa dawlad aan xuduudaheedii aanay sugnayn oo aanay nabadgelyo ka jirin dalkeeda.”




“Wada hadallo ayaa noo socda Annaga (Somaliland ) iyo UN-ka, waana la saxayaa khaladaadka Qarramadda Midoobay,”ayuu intaas raaciyay Wasiirka Madaxtooyaddu.




Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyay sababta ay Somaliland uga xaadiri wayday shirkii London lagu qabtay 7-dii May ee sanadkan, waxa uu sheegay in shirkaasi ahaa mid aanay Somaliland door ay ka ciyaarto aanay ku lahayn, maadaama oo ay shirkaasi wada jir u hagayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha Ingiriiska.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Somaliland.org