Hargeysa(GNA)-Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland ayaa maanta la soo gabagabeeyay maanta guud ahaan Deegaamadda Somaliland.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Marwo Sam-sam Cabdi Aadan, ayaa gelinkii dambe ee Maanta si rasmiya ugu dhawaaqday soo af-meerida Imtixaankaasi, waxaanay sheegtay in guud ahaanba Imtixaanku guul ku dhamaaday, isla markaana aanay wax qash-qashaad iyo buuq toona ahi ka dhalan intii Imtixaanku socday.
Wasiirka ayaa sheegtay in Imtixaanka Fasalada 8-aad la soo gabagabeeyay saddex maalmood ka hor, kii Fasalada 4-aad ee Dugsiyada sarena maanta soo xidhmay “Maanta oo ay Bishu tahay 21 waxa soo gabagaboobay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalada 4-aad ee Dugsiyada sare, kii Fasaladda 8-aad wuxuu xidhmay laba maalmood ka hor, runtii Imtixaanku wuxuu ku dhamaaday guul”.ayay u sheegtay Gobanimonews.
Sam-sam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay in Bari ilaa Galbeed Xafiisyada Wasaaradda lagu soo xareeyay Imtixaankii iyo Agabkii goobaha Imtixaanka la geeyay “dhamaan Goboladda gordhaweyd ayaa la soo gabagabeeyay Imtixaanka, waxaana lagu soo xareeyay Xafiisyada Wasaaradda”.
Wasiirka ayaa guul ku tilmaantay in sanadkan ay isku soo beegmeen Imtixaanka Dawlada iyo tartanka Ciyaaraha Goboladu, kuna dhamaadeen Guul “waxa dawlada Somaliland guul u ah oo aan la Ilaawi Karin in sanadkan ay isku soo beegmeen Imtixaankii Dawlada iyo Tartankii Ciyaaraha Goboladdu, kuwaasoo labadoodu guul ku dhamaaday, waa wax Illaahay loogu shugri naqo”.
Marwo Sam-sam Cabdi Aadan, ayaa u mahad celisay dhamaan dhinacyadii ka qayb-qaatay hirgelinta Imtixaanka sida, Ciidamada amaanka, Macalimiinta Imtixaanka Ilaalinaysay, Masuuliyiinta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Ardaydii u fadhiisatayba.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa Gobanimonews u sheegay in gabi ahaanba uu guul ku dhamaaday Imtixaankii Shahaadiga ahaa, waxaanu hambalyo u diray Dhamaan Ardaydii ka qayb-gashay, una mahad naqay cid kasta oo door ku lahayd suurto-gelintiisa.
In ka badan 19000 oo Arday oo ka kooban Ardayda Fasalada 8-aad iyo kuwa 4-aad kala dhamaystay, ayaa Sabtidii todobaadkan u fadhiistay Imtixaaankan, iyadoo ilaa maalintaasina uu si habsami ah uga socday Dugsiyada deegaamada dalka oo dhan.
Gobanimonews
Hargeysa Office