Muqdisho (GNA) - Alle Ha U Naxariistee Wariye Xasan Maxamed Ismaaciil (Xasan Kuuriya) ayaa Maanta geeriyooday ka dib markii ay liqday Bada Magaaladda Muqdisho.
Marxuum Xasan Maxamed Ismaaciil oo sanadihii ugu dambeeyay la shaqaynayay Mareegta Hadhwanaagnews ayaa maydkiisa laga soo saaray badda, sida uu xaqiiyayMarxuumka Aabihii, waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha Magaaladda Muqdisho.
Lama oga sababta keentay inay Biyaha Baddu liqaan Maxruumka, hase ahaatee goob-joogayaal ayaa sheegaya inuu ku dabaalanayay Badda marka ay liqday.
Xasan kuuriya ayaa ka mid ahaa Wariyayaasha ugu firin-fircoon Warfidiyeenada ka hawla gala Magaalada Muqdishi, waxaanu Ifka kaga tegay sida ay xaqiijiyeen Eheladiisu Xaas iyo dhawr Caruur ah.
Maamulka iyo Hawl-wadeenada Gobanimo News Agency ayaa Tacsi u diraya Eheladii, Qaraabadii, Bahweynta Saxaafadda Somaliyeed iyo Bulshada somaliyeed ee uu ka geeriyooday, waxaanan Ilaahay uga baryaynaa inuu Samir iyo iimaan ka siiyo, isagana Naxariistii Janada ka waraabiy.
Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.
Gobanimonews
Muqdisho Office