Muqdisho(GNA)-Ku Dhawaad Boqol iyo kontan(150) Rakaab ah oo isuga Jira ajnabi iyo Soomaali ayaa kacabanaya Xafiiska Diyaaradda Turkish Air line ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Dad weynaha rakaabka ayaa Sheegay in Maanta Masuuliyiinta Xafiiska turkish air line ee Muqdusho ay ku balansanaayeen in ay Baxaan balse marka ay xaadireen Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho lagu wargaliyay in Diyaaradda ay Baaqatay kadibna Xafiisyada laga Soo xirtay.
Dad weynahaan rakaabka ah oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi ayaa Xusay in ay iska soo fasaxeen Hoteeladii ay Degenaayeen, Maadaama oo maanta ku soo talagaleen in ay Baxaan.
Xafiiska Shirkadda Duulimaadka Turkish Airline ee Muqdisho ayaan dad weynaha ka haqab tirin Baahidii ay qabeen oo aheyd mar hadii diyaaradda ay baaqatay Dadka xarumo la dajiyo inta Diyaarad qaadaa muqdisho imanayso.
Shirkadda Turkish Airline, ayaa Duulimaadyadeeda ka bilowday Somaliya sanadkii 2012-ka, waxaanay ujeedada bilwoga duulimaadyadeedu salka ku haysay arimo siyaasadeed iyo kuwo Ganacsi oo Turkigu ka leeyahay wadanka somaliya.
Gobanimonews
Muqdisho Office