Pages

Thursday, June 20, 2013

Talo: Ciyaarta Final Koobka Gobolada Bilaa Taageerayaal Ha lagu Ciyaaro By Fouad abdisalam


Sideynu Dhamaanteen la wada socono waxaa Garoonka Hargeisa Stadium si habsami ah uga socdey in muddo ahba koobkii gobolada somaliland oo maraya gabogabo ,








Salaamu laahi caleykum

Sideynu Dhamaanteen la wada socono waxaa Garoonka Hargeisa Stadium si habsami ah uga socdey in muddo ahba koobkii gobolada somaliland oo maraya gabogabo , iyadoo ay hadhey oo qudha ciyaartii kama danbeysta aheyd oo jimcaha ku beegan.
Mudadii ay ciyaarahani socdeen waxaa lala kulmey dhibaatooyin badan oo cawaaqibkooda lahaa kuwaas oo waxyaabaha dhacey qaarkood aaney sumcada iyo sharafta reer somaliland qaban kuna habooneyn.





Fariinteydan Yar ee kooban waxaan halkan talo u marinayaa cid walba oo ay khuseyso gaar ahaan wasaaradda ciyaaraha somaliland waxaan talo ahaan ku soo jeedin lahaa markaan



eegey isna barbar dhigey wixii hargeisa stadium ka dhacey intey ciyaaruhu socdeen waxaa haboon madaama ciyaaraha aduunkoo dhan laga daawanayo sidoo kale Tvyada iyo idaacadaha dalka laga sii daayo in ciyaarta Finalka laga dhigo ciyaar bilaa Taageerayaal ah si amaanka iyo habsami u socodka ciyaartu u fiicanaato , fursadna loo helo in madaxda dalka si fiican uga qeyb galaan ciyaarta si sharaf leh oo qiimo lehna teamka guuleysta loo siiyo koobka iyo biladaha ay muteysteen, Sidoo kale Bahda warbaahintu si wacan u soo tabiso . Waxaa kale oo munaasibad noqon karta in kalmado laga soo jeediyo ciyaarta ka dib iyo ciyaarta ka horba oo munaasibada iyo xaflada qurux badan loo dhigo gabogabada ciyaaraha .


Waad Mahadsantihiin

Fouad Abdisalam
qalbi005@gmail.com