Pages

Saturday, June 15, 2013

Suuriya: Xoogagga Xisbillaah oo Difaacaya Asad iyo Reer Galbeedka oo Mucaaridka Taageeray


Hargeysa(GNA)-Hoggaamiyaha ururka ka dagaallama dalka Lubnaan ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in xogagga daacadda u ahi ka garab dagaallami doonaan ciidammada madaxweyne Bashar al-Asad ee dalka Suriya.




Mar uu la hadlayay taageerayaashiisa, Nasrallah waxa uu sheegay inuu ciidamadiisa uu geyn doono goob kasta oo ka tirsan Suuriya haddii loo baahdo.




Dagalyahanka ururka Xisbullah ayaa la aaminsan yahay in door lixaad leh ku lahaayeen guushii ay ciidammada dowladda Suuriya  ku qabsadeen magaalada Qusayr ee ku taalla xadka labada dal Lubnaan iyo Suuriya.
Dowladda Suuriya ayaa ku tilmaantay eedda loo soo jeediyay ee ah inay adeegsatay hubka kiimikada ah, mid been abuur ah.
Maraykanka ayaa sheegay inay  Suuriya adeegsatay hubka kiimikada ah ee halista ah, iyadoo madaxweyne, Barack Obama, uu dagaallada Suuriya kala hadlayo madaxda Midowga Europe, kaddib go'aankiisii ahaa in taageera milteri oo toos ah uu siiyo mucaaradka la dagaallamaya dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar al-Asad.
Madaxweynaha ayaa shir hal saac socday, oo lagu wadahadalyay Khadka video-ga ama maqalka iyo muuqaalka leh, la yeeshay madaxda Britain, Fransiiska, Jarmalka iyo Talyaaniga.




Kulanka Madaxdani yeesheen ayaa ku soo beegmaya  ka hor shirka waddamada sideedda ah ee addunka ugu hormarsan ee G-8, kaasoo la qaban doono toddobaadka soo socda.




Xiisada Suuriya ayaa soo taxnayd tan iyo sanadkii hore, waxaanay dawladaha Reer Galbeedku Taageerayaan Xoogaga ka soo horjeeda xukuumadda Bashaar al Asad, halka dunida carabtu ku guul daratsteen inay Maslaxad Qoriga ka sokaysa ku xaliyaan Dagaalada iyo Kacdoonka wadankaasi ka socda.




Gobanimonews




Hargeysa Office