Somaliya: Waxaanu Xusaynaa 26 June iyo 1 jully.
Somaliland:Xoriyadii 26 June 1960-kii nalama Wadaagto Xamar, 1 Jully-na waa Maalintii aanu Luminay.
Hargeysa(GNA)-26 bisha June, 1960-kii, oo haatan laga joogo 53 Sanadood ayaa Magaalada Hargeysa si ramiya looga taagay Calankii ugu horeeyay ee Gobol Somaliyeed loogu aqoonsado Waddan xor, kaasoo lagu bedelay Kii Maxbiyadii Ingiriiska ka jirtay Goboladda Somaliland (Somaliland British Protectorate).
In ku dhaw 80 sanadood, oo ay Boqortooyadii Ingiriisku maamulaysay Dhulka Somaliland,ka dib ayaa lagu guulaystay in xorimadda laga qaato London, waxaana xiligaasi Barmaamujka Gobanimo-doonka bulshada Somaliland hogaaminayay Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Maykal Maryama oo labadoodu xiligan Mootan.
Xornimada geyiga Somalida ka curtay 26 June may ahayn mid wadaag ku ahaayeen Goboladda Koonfurta iyo Waqooyiga dalkii laysku odhan jiray Somaliya, balse 1-dii Jully ayay Muqdisho Gobonimada ka qaadatay Gumaystihii Talyaaniga, waxaana isla maalintaaba lagu dhawaaqay in la mideeyo labadii Gobol ee ay kala gumaysanayeen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
Waxaanay midnimadii xiligaasi ku timi Isjecayl Bulsho iyo Hiyi kac aan loo sahan tegin oo isugu tageen labada dhinac, iyagoo aan wax heshiis ah iyo Shuruudo toona ku xidhin Midnimadooda, balse taasi bedelkeeda u jeel qaba in la helo Dawlad iyo dad somaliyeed oo mid ah, si ay isaga caabiyaan Cadow iyo Nacab wixii dibada ka yimaada.
Sida ay Gobanimonews u sheegeen Taariikhyahanadu, Xiisaha iyo isjeceylka Somalidu xiligaasi wuxuu ahaa mid aan laabta Waayeelka iyo waxgaradka u wada cuntamin, balse duruuf kasta oo jirtay lagu Ilaaway in Calankii Hargeysa laga qaatay Muqdisho lala mideeyo.
Hase ahaatee Isfahamkii iyo Yihdi-diiladii Somalida Waqooyiga iyo Koonfurta isu geysay, waxay gudhay mudo yar ka dib markii Dawlada la wada dhistay, iyadoo in ka badan Afartan sanadoodna maalinba maalinta ka dambeysa ku sii libdhaysay rajedii Midnimadu God madow oo aan Maanta laga soo saari Karin ,sida ay aaminsanyihiin Taariikhyahanada arrimaha somalida ka run sheegaa.
Afartan sanadood oo Goboladdii 26 June Xorimada qaatay lagu hayay, Xaqiraad, Xasuuq iyo Xadhig aan look ala aabo yeelin Rag, Dumar, Caruur, Caydi iyo Ciroole, ka dib 1991-kii yay Somaliland ku dhawaaqday dib ula soo noqoshada Xornimadii ay 1 Jully kula midoobeen Koonfurta Somaliy.
Taasi waxay ka dambeysay Halgan Dhiig badani ku daatay oo ay la galeen Dawladii Siyaad Barre Bulshada Reer Somaliland oo ay garab siiyeen Kooxo Somalida kale ka soo jeeda, Xasuuq lagula kacay in ka badan 40,000 qof oo Rayid ah, Qax iyo xadhig aan xisaab lagu koobi Karin.
Waxaana Magaalada Burco lagaga dhaawaqay 18 bishii May, 1991-kii Jamhuuriyada Somaliland oo Dal ahaan ka kooban Dhulkii 26 June Xoriyada qaatay, iyadoo taa bedelkeeda ilaa hada koonfurta somaliya aaminsantahay inaanay goosan Karin Somaliland.
Inkasta oo aanay Somaliland haysan Ictiraaf caalamiya, walina ay daba socoto Xaqiraadii ay kala kulmeen Koonfurta somaliya,isla markaana dawlad kasta halkaasi ka dhalataa gaashaanka u daruurto dib ula soo laabashada xoriyaddooda,hadana wali waa kuwo ku taama Ilaalinta qadiyada cusub ee ay qaateen 1991-kii.
Si kasta oo ay Somaliland dadkeedu isugu dhejiyaan Ilaalinta Madaxbanaanidooda oo ah mid aan Qiimo yar ku joogin, waxa qardoofo siyaasadeed iyo xaasaasiyad joogto ah ku ah Ficilada ka turjumaya xaqiraada somaliya ku hayso yoolkooda.
Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa todobaadkii hore magacaabay guddi Qaran oo loo xilsaaray qaban-qaabada xuska 26 June oo ah maalintii ay Somaliland xornimada ka qaatay Ingiriiska iyo 1 Jully oo ah maalintii labada Gobol ee Koonfurta iyo Waqooyigu Midnimadooda ku dhawaaqeen.
Xuska ka labadan maalmood ee Muqdisho laga qabanqaabinayo sidii loo weynayn lahaa, ayaa xaasaasiyad siyaasadeed ku ah dhinaca Somaliland, maxaa yeelay waa laba maalmood oo si toos ah u saamanaya qadiyadeeda gooni-isutaaga ku salaysan.
Barre Nuux Xaaji Cabdillaahi oo ka mid ah Dadka ugu da’ada Reer Somaliland,ayaa sheegay in weynaynta 1 Jully iyo 26 June ay labaduba Cadiifad iyo Cunfi siyaasaddeed ku yihiin Bulshada Reer Somaliland, xusuusinayaana Xornimadoodii luntay iyo Haadaantii ay ka dhaceen “Somaliya way ka gardarantahay Somaliland waxaanay abuuraysaa talaabada ay ku xusayaan 26 June iyo 1 Jully Cadiifad iyo xumaan la mid ah tii hore uga soo gaadhay Midnimada”ayuu u sheegay Gobanimonews.
Sidaasoo ay dareensanyihiin Bulshada Somaliland, hadana Xukuumadda Federaalka somaliya, ayaa ku jirta qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Xuska labadan maalmood, waxanay guddida loo xilsaaray Maamulada hoos yimaada nidaamka Federaalka ugu baaqeen Maanta in loo diyaar-garoobo dabaal-degyada Maalmaha Taariikhiga ah. “Sidaad og-tihiin waxaa Khamistii lasoo dhaafay uu ra’iisul wasaare Saacid magacaabay gudi loo xilsaaray qaban-qaabada munaasabadaha kala duwan ee lagu xusayo maalmaha xorriyadda dalka, waxaa dowladda u qorshaysan inay u samayso dabaal-dagyo aad u ballaadhan oo lagu muujinayo weynayta maalmaha Xorriyadda,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Somaliya Cabdiariin Xuseen Guuleed (Fiqi) oo madax ah Guddida qabanqaabada oo ka kooban xubno ka mid ah golaha Wasiiradda iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in looga baahan yahay maamullada ka jira dalka iyo degmooyinka xorta ah inay u istaagaan sidii loogu dabaal-degi lahaa maalmaha xorriyadda, isagoo muhiim ku tilmaamay in qof kasta dareemo sidii xorriyadda lagu helay uuna muujiyo wadaniyad.
Ka sekow Talaabada ay Xukuumadda somaliya qaadayso, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, hase ahaatee waxa muuqata inay arintan ka soo fool leedahay Cadiifad hor leh iyo Isnacayb siyaasadeed oo ay Koonfurtu ku xajiimaynayso geedi socodka wadahadalada u socda ee Beesha Caalamku dhexdhexaadinayso, taasoo ay Hargeysa ka quud-daraynaysay in ka dib marka laga garaabo xaqiiqda gooni-sutaageeda, Aqoonsigiina ugu xidi doono.
Isku soo wada duuboo su’aasha hada taagan ayaa ah, hadii ay Muqisho isku darsato xuska 26 June ee Hargeysa Xorowday iyo 1 Jully oo Somaliland looga yaqaano Maalintii dib ugu laabashada Gumaysiga, goorma ayuu Ingiriisku wareejiyay Maamulkii Goboladda Somaliland, yuuse ku wareejiyay ma Talyaanigii Xamar Gumaysanayay.
Waana su’aasha siyaasiyan Caawa bulshada Somaliland maskaxdooda ka guuxaysa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Twitter: Gobanimonews@twitter.com