Pages

Sunday, June 16, 2013

Somaliland: Xukuumaddu Daacad ma ka noqon-doontaa Diidmada UNSOM,Goormayse ku Baraarugtay?


Hargeysa(GNA)-Xogo Muhiim ah oo la helayo ayaa sheegaya in Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ku shaqeeyo nidaamkii hore ee UNPOS,xili ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gaashaanka ku dhufatay Khamiistii todobaadkii hore inaanay la shaqaynayn Xafiiskaasi.




Ilo-wareedyo ku dhadhow Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliland, waxay sheegayaan in xukuuamdda iyo Saraakiisha hay’adaasi isla ogyihiin shaqaynta UNSOM oo ku hawl-gelaysa magacii hore ee la bedelay ee UNPOS, taasina waa arin meesha ka saaraysa mawqifka xukuumadda lagu bogaadiyay ee ka soo baxay qasriga Madaxtooyada laba maalmood ka hor.




“Lama Shaqaynayno Xafiis ujeedadiisu ka horimanaysa Dastuurka Somaliland, laakiinse waanu soo dhaweynaynaa Taageerada Mashaariicda horumarinta ee ay UN-ku bixiyaan, annagoo waliba rajeynayna in la soo mariyo Sanduuqa Mucaawimooyinka Somaliland”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Jimcihii la soo dhaafay.




Laakiinse Khabiir dhinaca siyaasada ku xeel-dheer ayaa Gobanimonews u sheegay in hadalka Kulul ee Wasiirku Warbaahinta ka sheegay yahay afka Baarkiisa ah, UNSOM-na ku shaqayso magacii hore ee UNPOS.




 “dhamaan Shaqaalihii Xafiiska siyaasadda ee qaramada midoobay ee Hargeysa way shaqeeyaan, qalabkii iyo Gaadiidkoodina way haystaan, waxa kaliya ee Isbedelayna waa magaca, laakiinse iyagu waxay ku shaqeeyaan kii hore”ayuu yidhi diblomaasigaasi oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo.




“go’aanka xukuumaddu wuxuu u muuqan karaa laba midkood, in dareenka shacbiga lagu dambabesayo iyo in Wasiirka arrimaha dibadu iskaga tir-tirayo dhaliilaha dul hoganaya wasaaradiisa, laakiinse waxba iska bedelayaan shaqada UN-ka sida muuqata”ayuu intaasi hadalkiisa raaciyay.




Inkasta oo gudaha Somaliland doodaha ka dhashay talaabada xukuumaddu qaaday kala durugsanyihiin, hadana qoraal laga soo xigtay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Nicholas Kay, ayaa laga dhadhansanayaa walaac uu ka qabo go’aanka Somaliland.”  




‘’Socdaalkeyga Somaliland waa mid aan sidaa wakhti u qaadan waxa ayna ka dhaga adeegen inay aqbalaan Arrinta Xafiiska UNSOM laga furo Magaallada Hargeysa, taasina wax kama badaleyso guulaha ay Xukuumadda Somaliya gaadhsiinayaan balse waxa ay Khasaaro ku tahay Shacbiga Somaliland’’ Sidaasi waxa uu ku qoray Bogiisa Twitter-ka.

“Isma aan laheyn Somaliland ayaa diidi doonto in Xafiiska UNSOM laga furo Magaallada Hargeysa balse waxaa muuqaneysa inaan gaari doono go’aan lamid ah kii aygaareen’’ ayuu raaciyay.




 “Somaliland waxay warwar ka muujisay shaqada UNSOM. Waa wakhtigii la is dejin lahaa. Xafiisyada UN-ka mar walba waa la helayaa, caawimana way gaysan karaan, waanu dulqaadan doonaa”ayuu ku soo gabagabeeyay Qoraalkiisa Nicholas Kay.




Inkasta oo Somaliland qaadatay go’aan adag oo aan la filayn, aragtiyada dhinaca siyaasiyiinta gudaha ku sugan ka soo baxaya xiligan ayaa tilmaamaya inay guul-daro tahay inay xukuumaddu ku baraarugto xili Xeedho iyo fandhaal kala dhaceen Jawaabta ay ka bixinayso.




 “Waxaan ku talin lahaa inaanay xukuumaddu go’aan qaadan xili wax waliba dhamaadeene waa inay ka hortago waxyaabaha soo socda”sidaasi waxa yidhi Wasiir ku-xigeenkii hore Wasaaradda Boosaha iyo Iskaadhsiinta Cali Sheikh oo Jimcihii Warbaahinta la hadlay.




Si kastaba ha ahaatee aqalka looga arimiyo Somaliland iyo wasaaradda Khaarajiga ee waddanka ayaa u muuqda kuw ka aradan  xog helista iyo ka hor taga Mu’aamaraadka loo maleegayo dalka.




 Waxa kale oo aan meesha ka madhnayn Tuhunada isa soo taraya ee  ku saabsan inay xukuumaddu daacad ka tahay qaadashada go’aankan oo dadka xag jirka ka ah siyaasada Somaliland ku tilmaamayaan mid dhaawacaya xidhiidhka UN-ka iyo xukuumadda Hargeysa.




Gobanimonews




Hargeysa Office