Hargeysa(GNA)-Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha ayaa lagu soo gabagabeeyay Goboladda Somaliland, ka dib mudo afar cisho oo uu ka socday Deegaanadda wadanka oo dhan.
Ilaa Shan Boqol oo Kun oo Caruur ah, ayaa ka faa’idaystay Talaalkan oo loogu talo-galay Cidhib-tirka Cudurka dabaysha ama Qalajiyaha loo yaqaano, ayna maal-gelinayso Hay’ada WHO oo Kaashanaysa Wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo Unicef.
Hawl-wadeenadda Talaalkan fulinayay ayaa maanta gelinkii dambe so oaf-meeray Hawl-galkan cidhib tirka Dabaysha, waxaana lagu tilmaamay ololahan kii ugu balaadhnaa ee la qaaday si looga hortago Cudurkan oo sida Saraakiisha caafimaadku sheegeen lagu arkay Dal ku yaala geesa afrika, oo ay Somaliya ka mid tahay.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog) iyo Sarkaalka hay’ada Caafimaadka aduuna ee somaliya ugu sareeya ayaa Saaka ka qayb-qaatay Ololan, waxaanay Kormeer ku soo mareen Deegaamada gobolka Maroodi-jeex ee Ololuhu ka socday, halkaasoo ay dhawr caruur ah gacantooda ku soo talaaleen.
Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog) oo Warbaahinta la hadlay isagoo ku gudo jira kormeerka ayaa sheegay “Maanta aniga iyo Sarkaalkii ugu sareeyay Hay’ada WHO xafiiskooda Somaliland iyo Somaliya, waxaanu u soconaa inaanu ka qayb-qaadano Ololaha Talaalka lagu cidhib-tirayo Dabaysha, kaasoo ah Xanuun aafo ah oo loo baahanyahay inaynu dhamanteen iska kaashano sidii loo xakamayn lahaa”.
Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka mid ahaa deegaamada Talaalkan Bulshadu aadka uga fogaysay, waxaana lagu talaalay tiro ku dhaw Boqolkiiba Lix iyo Sagaashan Caruur ah (96%), cel-celis ahaan, sida uu Gobanimonews u sheegay Madaxa Caafimaadka guud ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Faarax Axmed.
“Doorka Talaalka waxa looga faa’idaystay si ka culus doorarkii hore, waxaana cudurka Qalajiya laga talaalay 96 ka mid ah Caruurta ku nool Gobolkan, waayo dadku sidii hore way ka duwanaayeen oo iyagaaba goobaha talaalka keenayay caruurta, taasina waa guul fiican oo laga gaadhay dabar-goynta xanuunkaasi”ayuu sheegay.
Gobolka Togdheer, ayaa noqonaya gobolka labaad ee Talaalkan sida fiican looga faa’idaystay, sida ay ku soo waramayaan saraakiisha Caafimaadka ee gobolku.
Gobanimonews
Hargeysa Office