Pages

Thursday, June 20, 2013

Somaliland: Isku Shaandheyn Duruufo Hakiyeen oo M/weyne Siilaanyo laga filayo iyo Masuuliyiinta Diiradda bulshadu hayso


Hargeysa(GNA)-Inkasta oo aanay muuqan ifafaale cad iyo xogo lagu kalsoonyahay oo muujinaya in Madaxweyne Isku shaandheyn u samaynayo Golaha Xukuumaddiisa, hadana waxa jira warar maalmahan dambe laysla dhex marayay oo Iftiiminaya in madaxweynaha laga filayo qorshe cusub oo uu wax kaga bedelayo Xukuumadda iyo xubno cusub oo saaxadda ku soo kordhinayo.




Hadal-haynta Isku shaandheynta Madaxweynaha, waxa ku lamaan baahi weyn oo loo qabo in dib u habayn iyo dar-dar gelin lagu sameeyo hogaaminta siyaasada Hay’adaha Xukuumiga ah qaarkood iyo in Wajiyo cusub oo bulshada la horkeeno.




Waxa jira Wasaaraddo iyo Hay’ado xukuumiya oo ay dadka siyaasada falanqeeyaan si toos ah u bayaaminayaan in Maamulkooda wax laga bedelo, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wasaaraddaha arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada,Maaliyadda, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Waxbarashada, Duulista iyo Hawadda, Wasaaradda Cadaaladda, Hay’ada La-dagaalanka Musuqmaasuqa, Komishanka ka hortaga Aidska ?(Nec), Madbacadda Qaranka, Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, Hay’ada Shaqaalaha Dawlada  iyo Hay’ada ICT-ka Dawlada.




Bulshada Rayidka ah iyo ashkhaasta indheer garadka lagu tiriyo, ayaa Hay’adahaasi dhamaantood si weyn u saluugsan Madaxda ugu saraysay, iyadoo qaarba dhaliilo nooc ah loo soo jeedinayo.




Sidaasi darteed isku shaandheynta laga filayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo ilaa mudo hore sida luumaanka ugu wareegaysay bulshada dhexdeeda, ayaa lagu wadaa inay saamayso Madaxda Hay’adan aynu soo tilmaanay iyo kuwo kale oo aan ilaa hada cayinayn.




Hadaba marka lays barbar dhigo dareenka Bulshada iyo hawlaha Hay’adan qaarkood hada gacanta ku hayaan, waxa muuqata inaan maalmahan la saadaalinayn in madaxweynuhu  soo saaro wareegto uu Masuuliyiintaasi qaarkood xilalka kaga qaadayo, balse waa suuro gal in todobaadka dambe talaabadaasi uu qaado.




Hadii aan wax ka xusno Wasiiradda xiligan shaqooyinka culus ku xadfan ee ay adagtahay in xilalka laga qaado waxa ka mid ah Wasiira Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali siciid Raygal oo isagu dhaliil kasta ha lahaadee hir geliyay tartan ciyaareedka Goboladda Somaliland oo Ciyaartii ugu dambeysay dhacayso Jimcaha fooda inagu soo haya.




Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah xubnaha xilalka ay xukuumadda ka hayaan la bilaabay  hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo, kana mid ah shakhsiyaadka dadka hadal hayaan in xilka laga qaadayo, meelo kale loo bedelayo, ayaa ku hawlan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee dawlada, oo Khamiista maanta soo gabagaboobay.




Si kastaba ha ahaatee hadii aanay duruufaha xiligan jiraa saamaxayn isku shaandheynta iyo Istaraatiijiyada cusub ee lagaga filayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sanad Guuradii 3-aad ee markii xilka la doortay lix maalmood ka dib ku beegantahay, waxa hubaal ah in baahi weyn loo qabo qaadista talaabada laga filayo ee u aadan dar-dar gelinta Golihiisa xukuumadda.




Taasoo hadii uu sameeyo u saamaxaysa Xawli hor leh iyo tamar siyaasadeed oo cusub oo ay Xukuumaddiisu ku sii tamariso, inta ka horaysa badhtamaha sanadka 2015-ka oo ay kaga eegtahay muda xileedkii shanta sanadood ahaa ee la doortay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email:editor@gobanimonews.com