Pages

Wednesday, June 12, 2013

Somalilad:Dagaalka Wabiga Nile-ka oo Dood ka dhex abuuray Bulshada iyo Dawlada oo Xaasaasiyad ka qabta soo Hadal qaadkiisa


Hargeysa(GNA)-Doodda ku saabsan Dagaalka Biyaha wabiga Nile-ka Buluuga ah ee ka dhexeeya Dawladaha itoobiya iyo Masar, ayaa ah Sheekada ugu hadal haynta Badan Goobaha lagu kulmo iyo Mujtamaca dhexdiisa.




Tan iyo bilowgii soo Ifbaxa Damaca Itoobiya iyo diidmada Masar ee ka dhashay abuurista Biyo-xidheenka Itoobiya, waxa soo kordhaya dareen celinta Bulshada qaybaheeda Indheer garadka iyo Gaashaanka qaadka ahi ka muujinayaan Dhaqdhaqaaqyada labada dawladood ka bixiyeen arintaasi.




Waxaanay taasi muujinaysaa in talaabo kasta oo ay labadan dawladood ku kala goostaan dahanoodu saamayn togan iyo mid tabanba ku keenayo, mandaqada Geeska Afrika oo mudo dheer oo ay gaashaan u ahayd Danaha Masar xiligan kala qaybsanaanta Geyigu ku khasabtay inay yeeshaan aragti ka duwan Fikirkii 25 sanadood ka hor lagu Difaacan jiray, Biyaha Nile-ka.




Doodda ayaa ah mid aan ku koobnayn dadka ku jira Xayndaabka Siyaasada oo qudha, laakiinse Xoogsatada iyo guud ahaan Dabaqada Mujtamacu waa sheeko hadal-heynteeda qof waliba Garaadkiisa ku cabirayo, iyadoo aanay meesha ka madhayn qorshe dhinacyada bulshadu kula kala safantahay labada dawladood, xili aanay xiisadu isu bedelin gacan ka hadal iyo in qoriga caaradiisa xal laga raadiyo.




“Innagu Masarbaynu Muslinimo ku taageeraynaa iyo Itoobiya ayaa Dano siyaasadeed iyo kuw dhaqaaleba inaga dhexeeyaan oo aynu taageeraynaa”lagu soo Uruurin kaara Kelmada falanqeeyayaashu isaga hal-celinayaan Doodan .




“Masar maxay inoo haysaa ee ay ina tartay 22 sanadood ee aynu Xoriyada haysanaynba madaxa ayay nagaga taagnayde, Itoobiya waatii Qaxoontiga nagu qaabishay  oo xidhiidh wanaagsan yay Somaliland la leedahay”sidaasina waxa yidhi mid ka mid ah dadka ka faalooda arrimaha siyaasada oo la hadlay Gobanimonews.




“Anigu Masarbaan ku taageerayaa Muslinimo, waayo Itoobiya hadii ay wax inoo tarayso may na aqoonsato 22 sanadood ayay na daawanaysaaye”sidaasina waxa yidhi Xoogsade dareenkiisa k dhiibtay arintan.




Ka sekow Dareen Cabirayaasha Bulshada, dadka wax qora iyo kuwa ka faalooda arrimaha siyaasada waxa u muuqda in dib u curshada dagaalka Nile-ku saamayn ku yeelanayo Somaliland iyo Somaliya, hase ahaatee Somaliland aanay wali qorshe cad ka lahayn sida ay u waajahayso Danaha labada dal iyo waxay ka iibsanayso ka ay taageerada siinayso “way muuqataa in saamaynta Dagaalka Nile-ku soo gaadhayo Somaliland, laakiinse waxa muuqata inaanay xukuumaddu qorshe cad ama siyaasad qeexan ku bedelanayn Taageero kasta oo u fidiso labada dhan midkooda”sidaasi  waxa yidhi Caraale Jaamac oo ah Suxufi Madaxbanaan oo ka hawl-gala Magaalada Hargeysa.




Isagoo la hadlaya Gobanimo wuxuu intaasi ku daray in Somaliland looga baahanyahay inay qorshe cad iyo wax midho dhalna noqda ka iibiso hadii ay arinta Itoobiya ku taageerayso, inkasta oo uu walaac ka muujiyay ku dhaca siyaasadeed iyo dhiiranaanta Wasaaradda Khaarajiga oo uu dhaliilay, kuna tilmaamay mid aan goosan Karin rabitaanka faa’ida leh, balse aanay Masuuliyiinteedu lahayn Indheer garadnimo iyo waayo-aragnimo ku filan.




Inkasta oo Falanqaynta Bulshadu,halkaasi taagantahay, arinta Biyaha Nile-ku waa mid ay xaasaasiyad ka muujinayso Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana cad in madaxda dawladu afka ka dhawrayaan soo hadal qaadka Dooda shacbiga dhexdooda ka bulaamaysa.




Xaasaasiyada dawlada ayaa lagu sababaynayaan dhawr arimood oo ay ugu weyntahay go’aan la’aan ku saabsan arintan, iyadoo dadka xogogaalka u ah dhinaca Xukuumaddu tibaaxayaan inaanay wali Xukuumaddu jaan-goynin Mawqif cad oo ay arintan ku waajahdo iyo waxay ku bedelato Ficilka ay kaga qayb-qaadato toona.




Si kastaba ha ahaatee Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya Taariikh dheer oo ay Bulshada reer Somaliland ka oomanyihiin, marka la eego xadiga Dhaqaalaha ka soo gala Sayladaha ganacsiga Itoobiya, waxaana xidhiidhkaasi oo abuurmay dhawr labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay lagu qiimeeyaa iskaashi Nabad-gelyo, Ganacsi aan heshiisyo Dhaxal gal ah ku fadhiyin, Deeqo Waxbarasho oo ay Itoobiya siiso Shaqaalaha dawlada iyo Ardayda Dugsiyada sare dhamaysta ee reer Somaliland.




Itoobiya ayaa Boqolaal tan oo Jaad ah Maalin kasta u soo dhoofisa Somaliland, balse taasi bedelkeeda ma jiro Shay qudha oo xiligan Ganacsatada wadankaasi u dhashay si joogto ah uga iibsadaan Sayladaha Somaliland, inkasta oo ay dhawaan labada dawladood wada galeen heshiisyo dhamaystirkoodu wali qabyo yahay oo ka soo baxay Shirar ka kala dhacay Hargeysa iyo Diri-dhaba.




Marka la eego xidhiidhka ka dhexeeya Masar Iyo Somaliland ayaan la bar-bar dhigi Karin kan ka dhexeeye Hargeysa iyo Addis-ababa, balse muddo dhawr bilood laga joogo ayay ahayd markii Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland booqdeen Wadankaasi, ka dib kacdoonadii siyaasadeed ee ka qarxay.




Inkasta oo aan Rasmi loo ogayn  ujeedada ay Wasiiraddani Qaahira u booqdeen bilo ka hor, hadana mugdi kuma jiro inaan xidhiidh muuqdo oo saaxiibtinimo ka dhexaynin Somaliland iyo Masar, taasoo meesha ka saaraysa inay xukuumaddu taageero siyaasadeed iyo mid milateri  toona u fidiso dawlada Maxamed Mursi, hadii Colaadu sii fogaato.




Gobanimonews




Hargeysa Office