Lowyo-Caddo(GNA)-Sanad kasta oo Boqolaal qoys oo Reer Jabuuti ah ayaa u soo xagaa baxa Somaliland, waxaanay ilaa bisha tobanaad ee sanadkan Marti ku noqdaan Magaalooyinka Somaliland oo ay Caasimadu ugu horayso, Gabiley , Arabsiyo iyo waliba Boorama oo ay qoysas badani xagaaga ku dhamaystaan.
Xagaa baxa reer Jabuuti, ayaa waxay ka soo gudbaan Magaalada Lowyo-caddo ee ku taala xuduudka labada wadan, halkaasoo ay shantii Todobaad e ugu dambeeyay ay maalin walba ka soo gudbaan Ilaa 40 Gaadhi oo dad Xagaa baxaya sidaa.
Istaamada Gaadiidku ka soo baxaan ee Magaalada jabuuti, ayaa tan iyo badhtamihii bishii May ahaa goob Mashquul ah oo maalin kasta ay isugu yimaadaan Boqolaal qof oo Sadcaal u soo diyaar garoobay, kuwaasoo u badan Dumar iyo Caruur u soo safraya dhinaca Somaliland.
“Waxaan u Xagaa baxaynaa dalka Somaliland ee aanu Jaarka nahay oo aanu sanad walba xiligan oo kale tagno, Somaliland waa dad wanaagsan way na soo dhaweysaa, waanan u mahad naqayaa”sidaasi waxa sheegtay Haweenay magaceeda ku sheegtay Nimco oo Warbaahinta kula hadashay staanka Gaadiidka Boorama u soo baxa ee Magaalada Jabuuti.
Tirada dadka Maalin walba ka soo baxa istaamada oo badan ayaa sababay in qofku maalmaha qaar uu waayo Gaadhi uu soo raaco, halka qoysaska qaarkood ay isa soo cidhiidhsadaan Baabuurta, kuna soo raacaan tiro ka badan xadiga loogu talo-galay.
“Maanta gaadhi la’aan awgii ayaan qolka eyga galayaa, waxaanan u socdaa Somaliland, waxaanan soo laabaynaynaa bisha 10-aad”sidaasina waxa sheegtay Gabadh Dhalin yaro ah oo dadka Xagaa baxaya ka mid ahayd.
Xadiga Dadka reer Jabuuti ee sanadkan u soo Xagaa baxaya Somaliland, ayaa dadka xuduudaha ku sugani sheegayaan inay ka badan yihiin kuwii sanadkii hore, iyagoo ku sababaynaya xiliga ay bilaabmeen iyo tirada inta ruux ee maalin kasta soo gaadha Magaalada lowyo caddo oo wadar ahaan ka badan kuwii kal hore halkaasi soo maray.
“Walaahi dadku aad ayay u badan yihiin oo maalin kasta 40 gaadhi ilaa 20 inta u dhaxaysa ayaa soo gaadha Lowyo-caddo, waxaanay dadku badanyihiin Dumar iyo Caruur”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Ayaanle Jaamac oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Xuduuda ku taala ee Lowyo-caddo.
Shacbiga ku soo jeeda dhinaca Somaliland, ayaa ka hor intaanay wadanka soo gelin lacag lagaga soo qaadaa Kastam ku yaala Sohdin labada wadan oo ay leedahay Wasaaradda maaliyada ee somaliland, lacagtaasoo xadigeedu dhanyahay Labaatan kun oo shilin ilaa sodon kun inta u dhaxaysa (20,000 SHLS -30,000 SHLS).
Waxaana lacagtaasi qaada Shaqaalaha Wasaaradda maaliyada oo ay ku gacan siiyaan Ciidamada Laanta socdaalka iyo Bilayska amniga oo iyaguna hubin dhanka amaanka ah iyo kala horida dadka halkaasi u jooga “dadku markay yimaadaan Kastamka waxa lagu xareeyaa silig weyn oo loogu talo-galay, halkaasaana lagu kala horaa oo lacagta lagaga uruuriyaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ayaanle Jaamac.
Miisaanka Dadka Magaaladaasi ka soo gudbaya iyo Shaqaalaha Maaliyada oo yar, ayaa sababay inay Haweenka iyo Caruurtu dhibaato iyo culays badan kala kulmaan inta ay Xuduudka joogaan, taasoo ay cabasho ba’an ka muujinayaan dadka socdaalka ahi, sida ay sheegayaan goob-joogayaal ku sugan Magaalada lowyo-caddo.
“walaahi dadku dhibaato baddan ayay kala kulmaan xuduudka, waanad argagaxaysaa markaad eegto Dumarka iyo caruurta yar-yar ee lagu bacad-joojinayo Siliga, oo dhibaato badan la kulma,”ayuu sheegay mid mid ah Bulshada Rayidka ah ee Lowyo-caddo.
Kastamka Maaliyadda ee Lowyo-caddo ayaa la sheegay inuu lacag qabte ka yahay xiliga shaqada ugu badan Hal qof oo shaqaale ah, kaasoo ay safaf dhaadheer dadku u galaan si lacagta lagu xidho u bixiyaan “sababta keentay in dadku ay cidhiidhiga ugala kulmaan Kastamku waxa weeye shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo aad u yar, waayo qof qudha ayaa lacag qabte ka ah, dadkuna xoog ayay u badanyihiin”ayuu yidhi Sarkaal ka tirsan laamaha dawlada oo ka hawl-gala Magaaladaasi.
Si kastaba ha ahaatee korodhka dadka reer Jabuuti ee xiligan oo kale u soo nasasho taga deegaamada somaliland, ayaa ah arin muhiim u ah isdhex galka iyo wada noolaanshiyaha Bulshooyinka labada dal, taasoo sii kobcinaysa Cilaaqaadka dhinacyada siyaasada, Ganacsiga, iskaashiga amni iyo wada shaqaynta labada dawladood ka dhexeeya.
Waxaana loo baahanyahay in la tayeeyo, tiradoodana la kordhiyo Hay’ada Dawlada somaliland ee ka hawl-gala Xuduudka, si aanay xagaabaxayaashu ugala kulmin wax Hagar-daamo ah, islamarkaana niyad samaan iyo soo dhaweyn muuqata loo fidiyo.