Hargeysa(Hargeysa)-Guddoomiyaha Wargeyska Dawlada somaliland ee Dawan Maxamed Cismaan mire (Sayid), ayaa Waraysi uu siiyay Telefishanka Qaranka, ku sheegay inaanay xukuumaddu wax tacadi iyo ad-gudubyo ah toona kula kicin Warbaahinta Madaxbanaan.
Maxamed Cismaan mire, ayaa sidoo kale,Wasaaradda warfaafinta ka difaacay eedeymo dhawaan asxaabta Mucaaridka ah uga yimi, eedeymahaasoo ku saabsanaa in Shaqaale ka tirsan Wasaaradda warfaafinta nidaam qabiil ku dhisan iyo Eex shaqada lagaga Eryay.
“Waxaan cadaynayaa inay xukuuamdda talada haysaa xoriyad buuxda siisay Saxaafadda, wargeyska Hubaal-na waxa loo maray sifihii sharciga ahaa, ee loo mari lahaa cidii gef ku samaysa cid kale.”ayuu sheegay Mr. Sayid.
Guddoomiyaha wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu beeniyay jiritaanka warar sheegaya in Wasaaradda Warfaafinta Shaqaale beel ka soo jeeda laga eryay .
“Waxaan doonayaa inaan fursad uga faa’idaysto, maalmahan waxaan maqlayay xubno ka mid ah Xisbiyada Mucaaridka oo warbaahinta ka sheegaya in Shaqaale Gobolka Awdal ka soo jeedo sifo qabiil ku salaysan Shaqada Wasaaradda Warfaafinta, markaa maadaama aan ahay Agaasime wasaarada warfaafinta ka tirsan, waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaanay jirin shaqaale Qabyaalad lagu eryay, qofna ilaahay haka yeelee”.
“markaa waxaan leeyahay Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka ah ku jira ee warkaa sheegaya, ma jiro qof qabyaalad shaqo lagaga eryay, hadii cid qabyaalad lagu shaqaalaysiiyo ama lagu eryona,oo xukuumaddu Qabyaalad ku dhisantahay, laba Nin oo Walaalo ah oo ka soo wada jeeda Gobolka Awdal, ayaa xilal ka haya Xukuumadda.
“markaa Axmed Muumin Seed iyo Xisbiyada waxaan leeyahay Xisbiyada looma furan qabyaalad, ee waxa loo sameeyay in qabyaalada lagaga gudbo, xukuumaddana qorshaheeda kuma jiraan wax qabyaalad la yidhaahdd”.ayuu yidi Maxed Cismaan Mirre.
Guddoomiye Sayid oo dhawaan ka soo laabtay Safar uu ku tegay Wadamada dibada ayaa sidoo kale Sawiray, aragtida Bulshada Somaliland ee dibada ku nool iyo dareenkooda ku aadan sida ay Warbaahinta ula socdaan.
“Umadda dibada joogtaa Khaatibay ka taagantahay Warbaahinta gudaha, kuma farxaan, kama helaan, waxaanay ku haysaa dhibaato xoogan ee Warbaahintu dib haysu saxdo”.
Hadalka Maxamed Cismaan Mire, ayaa daba socda eedeyn uu Jimcihii la soo dhaafay Xukuumadda u soo jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed , kaasoo Wasaaradda Warfaafinta dhaleeceeyay inay Shaqada ka erida ilaa 5 ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo ka soo jeeda gobolka Awdal, kuwaasoo qabyaalad looga eryay wasaaradaasi.
Waxaanay Eedeyntaasi ka dambaysay , ka dib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Agaasimaha Telefishanka Dawladu shaqo joojin ku sameeyay Wariye Abiib Iimaan Xasan oo ka mid ah Rugcadaadiga W. Warfaafinta, kaasoo la sheegay in markii Maareeyuhu shaqada ka joojiyay, ka dib Wasiirka Warfaafintu xaliyay Khilaafka sababay arintaasi ee dhex maray Wariyaha iyo Maamulkiisa.
Gobanimonews
Hargeysa Office