Pages

Sunday, June 16, 2013

Qaraxyo is-xigxiga oo ay ku dhinteen 11 dumar ah oo goordhaw ka dhacay dalka Pakistan:


(GNA) Qaraxyo xoogan oo ay ku dhinteen ilaa 11 ruux oo dumar ah ayaa waxa uu goordhaw ka dhacay Jaamacad ku taalla magaalada Quetta ee dalka Pakistan.




Waxaana lagusoo waramayaa in qaraxa uu sababay dhaawac aan ilaa haatan la shaacinni tiradoodu balse gabi ahaan inta ku dhaawacantay loola cararay Isbitaalada.




Wararka ayaa waxa ay sheegaayaan in qaraxa hore uu ka dhacay Sardar Bahadur Khan jamaacada Gabdhaha oo ku taall magaalada Quetta qaraxa ayaana loo adeegsaday gaari Bus ah  oo lagasoo dhex buuxiyay walxaha qarxa.




Qaraxa labaad ayaa waxa lala eegtay Bolan Medical Complex qaraxaan ayaa waxaa isagana loo adeegsaday gaari balse ilaa haatana lama sheegin qasaaraha ka dhashay qaraxa labaad.
Zubair Mahmood oo ah madaxa sare ee ciidanka Booliska magaalada Quetta ayaa wakaalada wararka AFP usheegay in gabi ahaan qaraxa hore ee lala eegtay Jaamacada ay ku dhinteen arday dumar ah oo wax ka baranayay Jaamacadda, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay ku hawlan yihiin baarista falka qaraxa ah ee ka dhacay magaalada Quetta.




Waxaa aalaba ka dhaca dalka Pakistan qaraxyo ay soo abaabulaan Taliban-ta iyagu ka dagaalama dalka Pakistan.