Sunday, June 16, 2013

Nin Gabadh Meyd ah Meher Saday jaceyl uu uqabay darteed “ "dunida iyo waxa Kadhac!!


(Dhacdooyinka dunida)…Chadil Deffy da’diisu tahay 28 udhashay dalka Thailand waxay in mudo 10 sanadood ah wada socdeen gabadh ku geeriyootay shil gaari, gabadha ayaa lagu magacaabi jiray Sarinya Kamsook.
Kadib shilka ay gashay Siranya ayaa waxaa la dhigay Isbitaal halkaas oo ay ku sugneyd mudo lix sacadood kadibna ay  naftu kaga baxday  waxaa inta ay ku sugneyd Isbitaalka garab fadhiyay Chadil oo nafsadiisa ka jeclaa Sarinya.
Qaracan iyo kali ahaansho soo wajahday Chadil ayaa waxaa lagu samarsiiyay in uu iska ilaawo Sarinya balse wuxuu ku adkeystay In isagana gabadha lala Aaso  balse arrintaas ayaa lagu qanciyay ka dhaadhicin in mudo ah qaadatay kadib ayuu codsaday in meydka gabadha laga soo saaro talaajada kadibna xaflad aroos weyn ah loo sameeyo iyadoo dadka kasoo qeyb galay tacsida gabadha, loo soo wada qaybiya kararka casuumadaa Arooska.








Chadil ayaa goob fagaara ah wuxuu fargalka  ay isku guursadaan dadyoowga aaminsan Masixiyadda uu halkaas ugu geliyay jaceylkiisa dhimatay Siranya isagoo balan qaaday inta ka hadhay noloshiisa in uu ku noolaan doono xasuusaha Xaaskiisa meydka ah iyadoo markii dambe goobta laga qaaday meydka Siranya.




 




Chadil ayaa haatan ku nool gurigii uu ugu tala galay in ay ku wada noolaadaan Sarinya waxaana la sheegay in gabi ahaan guriga uu kuwada xardhay sawirada Siranya waxaana la filaayaa inuu noloshiisa ku dhamaysto xaalada kalinimadda ah.
Dhacdadaan ayaa noqotay mid dadka ku nool dunida daafaheeda ka yaabisay