Thursday, June 13, 2013

Nicholas K.: Somaliland waa jasiirad nabdoon oo ku taal gobol aan xasiloonayn,waanan ka warqabnaa inay jiraan caqabado la xidhiidha nidaamka Cadaaladda.


Hargeysa(GNA)-Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Nicholas Kay, ayaa lahjad diblomaasiyadeed oo hor leh ku bogaadiyay Xasiloonida, dimuquraadiyda, horumarka iyo nabad-gelyada Somaliland ka jirta, xili uu ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa oo maanta oo Khamiis ah isaga iyo saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa,kuwaasoo ka soo duulay Muqdisho oo fadhigiisu yahay.




Nicholas Kay , oo ay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa ka waramay ujeedada socdaalkiisan oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku yimi Somaliland tan iyo markii xilka kala wareegay u qaybsamihii hore ee Augustina Mahiga horaantii bishan june “Waxaan Hargeysa u imid xilli aad u horreeya oo ka mid ah wakhtiga ay shaqadaydu billaabantay si aan u muujiyo in Qaramada Midoobay ay taageerayso himilooyinka nabadda iyo barwaaqada”ayuu sheegay.




Ergayga ayaa ka waramay dareenkiisa ku aadan Somaliland “Somaliland waa jasiirad nabdoon oo xasiloon oo ku taalla gobol aan xasiloonayn, waxaan rumaysanahay inay jiraan casharo laga baran karo halkan oo ku saabsan sidii nabadda gobolka loo dhisi lahaa. Sidaas daraadeed, waxanu halkan u nimid inaanu wax ka-baranno isla markaana taageerno hindiseyaal horseedaya nabad waaarta, xasilooni iyo barwaaqo”.




Geesta kale waxa uu ka sheekeeyay ujeedada UN-ka loo aasaasay “Hawsha loo igmaday UNSOM waa inay gacan ka gaysato dhismaha awoodda wax-qabad ee Qaranka, adkaynta nabadda, iyadoo ahmiyadda la siinayo maamul-wanaagga, dibuhabeynta hay’adaha amniga, sharciga iyo kala dambeynta, xuquuqda aadamaha, dhex-dhexaadinta wada-xaajoodyada iyo isku-dubaridka kaalmooyinka caalamiga ah”.




Ergayga Qaramada Midoobay waxa kale oo uu tilmaamay “Waanu ka warqabnaa dadaalka Somaliland ee la xidhiidha xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda iyo meel-marinta dimuqraadiyadda iyadoo Somaliland qabatay doorashooyin soo noqnoqday. Sidoo kale waxaan ka warqabnaa inay jiraan caqabado la xidhiidha nidaamka cadaaladda iyo hay’adaha quseeya iyo weliba xeerka dhaqanka oo la xidhiidha, waxanu diyaar u nahay inaanu taageero ka gaysano sii xoojinta ku dhaqanka sharciga.”  




Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in UNSOM ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wada-hadallada Somalia iyo Somaliland. “Booqashadani waxay hordhac u tahay booqashooyin badan oo aan Somaliland ku imaan doono waxaana iga go’an wada-shaqayn midho-dhal ah. Xafiiska Hargeysa wuxuu xidhiidh hor leh la yeelan doonaa maamulka iyo bulshada rayidka ah si loogu kuur-galo meelaha la iska kaashan karno.”.




Si kastaba ha ahaatee Hadalka Niclos, ayaan wax cusub ka bedelnayn mawqifkii Masuuliyiintii ka horeeyay ka taagnaayeen qadiyada Somaliland, waxaadse moodaa in luuqada uu ku hadlayaa waxoogaa  ka duwantahay saaxiibadii ka horeeyay.




Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga Somaliland iyo Madaxtooyada ayaa  Gobanimonews u sheegay inuu caawa la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Masuuliyiinta Golayaasha dawlada qaarkood, kuwaasoo ay ka wada hadlayaan  siyaasada cusub ee xafiiskiisu kula dhaqmayo Somaliland iyo hadiiba ay jiraan qorsheyaal cusub oo wato, si uu u waajaho shaqooyin cusub oo kaga duwanyahay Diblomaasiyiintii ka horeeyay.




Ergeygan ayaa ka sekow Magacaabistiisa iyo xil la wareegistiisa, waxa ku lamaanaa bedelista Magacii hore ee Xafiiska qaramada midoobay ee Somaliya oo laga bedelay UNPOS, loona bedelay UNSOM, taasoo siyaasiyan laga dhadhanayo magacan in hawl-galkiisu ku jihaysanyahay arimaha somaliya.




Gobanimonews




Hargeysa Office