Pages

Saturday, June 15, 2013

Muj SNM:Waa Ayaan daro ah inaanu Googaalaysano Somaliland-tii aanu Xoraynay oo aanu Duruuf adag ku joogno”


Burco(GNA)-Qaar  ka mid ah Mujaahidiintii Dhaqdhaqaaqii SN, ayaa qaylo dheer ka muujiyay inaanay helin Xuquuqdii ay lahaayeen, kuna dayacanyihiin wadankii ay xoreeyeen.




Qoraal ay soo wada jir ah u soo saareen Mujaahidiin ka mid ahaa Ururkii SNM, ayaa lagu sheegay inay dadkii dalka qoriga ku soo xoreeyay ka qatanyihiin Qaniimadda iyo guud ahaan ilaha Shaqo ee dalka yaala.




Nuqul ka mid ah Qoraalkan oo Gobanimonews soo gaadhay, soona soo saareen xubnaha kala ah, Bashiir Aw Aadan Carab, Warsame gooraan Cali, Jamaal Simane Cali iyo Ibraain Cabdi Joof oo ay soos aareen, ayaa u dhignaa sidan:-

1-Hadii aanu nahay Mujaahidiinta Kala duwan Meelkastoo ay joogaan in aanaan ka helin somaliland Mansabyadayadii.
2-Mujaahidiinta Naafada ah iyo kuwa waalan waxa daryeel iyo wax qabad ah ma helaan waxaana waliba qaarkood  suuqa ku shiida dad aan warba u hayn oo makas ah.
3-Gobolkan aanu joogno ee togdheer wuxuu u murugoonayaa kubadii laga badiyay,mar qudhana looma murugoon halgamayaashaas keenay Gobanimada ee dhibaatadoodu dhex taal,hadii ay tahay Gobolkan iyo mid kale toona cidi uma hadasho.
4-Hadaba waxa isugu yimi kubad ay u caalaacalayaan Wasiiro,maayaro badhasaabo iyo waliba Baarlamaano intuba ka xunyiin in laga badiyo,waxaana mudnaa in laysugu yimaado loo murugoodo laga xumaado dayaca ka muuqda Mujaahidiintii dalkan usoo  halgamay waxna aan ku qabin,ilaa hadana u taagan Qaranimada dalka inay difaacaan ilaaliyaan cidina aanay u ogayn kuna la,Xuquuqdoodii aasaasiga ahayd.
5-Anagu hada waxanu ogaanay inaanay Somaliland Cadaaladi jirin,waayo waanu arki lahayn,
6-Waxa la busteeyaa Reero kacay oo wax  burburiyay,dad laayay,is hor taagay qaranimada dalka iyo horumarkaba,laguma kharas gareeyaa Malaayiin doolar oo lacag ah, walina lama  aasin maydadkii mujaahidiintii badh.
7-Hadaba lama arko  kuwa waalan,naafada ah,agoomaha ah ee bilaacamalka ah,waxaana mudnaa dhamaanba inay helaan xuquuqdii ay dalka ku lahaayeen oo lagu tix galiyo waliba.
8-hadaba ma waxa weeye yagu ajaanib Calooshood u shaqaystayaal iyo muqaawil lasoo iibsaday oo aan dalka waxba ku lahayn.
9-mujaahidinta qofkooda wax qaataana waxay qaataan 480 Afar boqol iyo Sideetan kun Sln waliba kamana haqab li,in,Baarlamaanka Somaliland na waxa uu isagu isu ansixiyay 1200 $ kun iyo laba Boqol oo doolar iyo waliba gunooyin,iyagoo haysta guryo iyo gaadiid Caruurahoodiina Jaamacado uga baxeen.
10-Waxa ayaan daro ah inaanu googaalaysano Somaliland-tii aanu dhashanay anagoo kala hadlayna xaqayagii,Miyaanay ka khajilayn madaxda joogtaa duruufta dhabta ah ee hor taala.
11-Hadaba Mudane Madaxwayne ragaasi waa ragii aad ku faani jirtay markii Xoriyada la la,aa oo aan mar qudha la eegin dayacooda,dabad yaalnimadooda,mushahar la,aantooda  iyo dhamaan duruufaha ku xeeran,mudane madaxwayne waxaad ku olalayn jirtay,waxa u horeeya ayaan mujaahidiinta u qabanayaa.
12-Ugu danbayntii waxaanu mar labaad iyo mar sadexaad diidanahay oo qaadacaynaa derajada la bixiyay cid kasta oo la siiyayna kuma tix galin doono,waayo wax nalagaga daray majirto xataa bilad biladna.
1-Bashiir Aw Aadan Carab
2-Warsame gooraan Cali
3-Jamaal Simane Cali
4-Ibraain Cabdi Joof




Gobanimonews




Burco Office