Monaco ayaa durbaba sameysay saxiixyo waa weyn xagaagan suuqa kala iibsiga, laakiin u dhaqaaqis ay u sameeyaan xiddiga Real Madrid Cristaino Ronaldo ayaa ka dhigi karta midkii ugu weynaa.
Radamel Falcao oo ay kala soo wareegeen Atletico Madrid, iyo James Rodriguez iyo Joao Moutinho oo ay kala soo wareegaan FC Porto ayaa ah saxiixyada ilaa iyo haatan ay sameeyeen Monaco oo ciyaartoydaas ku qarashgareysay 110 milyan ginni.
Si kastaba, jariirada England ka soo baxda ee Independent, ayaa sheeganeysa in kooxda boorsada weyn aysan weli bilaabinba inay ka dhex muuqdaan suuqa kala iibsiga, iyagoo xodxodasho ugu jira xiddiga reer Portugal Ronaldo.
Lacagta uu wargeyska sheegayo ayaase ah mid aan cago badan ku fadhinin, waxa ay leeyihiin Monaco waxa ay dooneysaa inay bixiso lacag jabineysa rikoorkii hore ee suuqa kala iibsiga oo gaareysa 85 milyan ginni oo ay Ronaldo ku doonayaan iyo iyagoo u soo bandhigaya xiddiga Los Blancos mushahar 17 milyan ginni ah oo canshuurta ay ka baxsan tahay.
Ronaldo ayaa durbaba ah ciyaaryahanka ugu qaalisan adduunka ka dib markii uu afar xilli ciyaareed ka hor 80 milyan ginni kaga soo biiray Manchester United, isagoo 199 gool ku dhaliyay 201 kulan uu Bernabeu ku ciyaaray. Sida la filanayayna Real waxa ay rajeyneynaa inay heshiis cusub ka saxiixaan, laakiin wakiilada Ronaldo ayaa la rumeysan yahay inay la hadlayeen Monaco 18kii bilood ee u danbeysay, waxaana kooxda uu leeyahay bilyaneerka reer Russia Dmitry Rybolovlev, ay dareensan yihiin in xiddigan uusan saldhigan caasimada Spain.
Wargeyska The Independent ayaana warbixintiisa maanta ku yiri: “Ronaldo waxa uu dareemayaa inaan sidii la rabay looga sharfin Madrid, waxaana uu aaminsan yahay inuu u qalmo in mushaharka loo kordhiyo. Waxa uu gaar ahaan doonayaa inuu mushahar ahaan u qaato in ka badan lacagta uu Barcelona ka qaato ninka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.”