Wednesday, June 19, 2013

Monaco Oo Dalab Qiimihiisu Sareeya Ku Dooneysa Xiddigaha El Shaarawy Iyo Boateng.


Channel-ka Mediaset Premium ee dalka Talyaaniga ayaa daboolka ka qaadaya in kooxda Milan ay wadahadalo kula jiraan kooxda Monaco oo lagu waramayo in dalab aad u sareeya ay ku doonayaan saxiixa labada xiddiga ee Milan Kevin-Prince Boateng iyo saaxibkiisa Stephan El Shaarawy.




Ku xigeenka madaxa kooxda Milan Adriano Galliani ayaa gaaray Monaco si wadahadalada mulkiilaha kooxdaas reer Russia ee Dmitry Rybolovlev ay iskula meel dhigaan in xiddiga reer Ghana ee 26-sano jirka uga iibiyaan aduun gaaraya 17-milyan oo euro .




Balse Channel-kaan uu leeyahay mulkiilaha kooxda Milan Silvio Berlusconi ayaa sheegeya in Monaco ay kadis uga dhigeen ku xigeenka madaxa Milan Galliani qarash gaaraya 60-milyan oo euro oo ay ku doonayaan Boateng iyo saaxibkiisa Stephan El Shaarawy.




Waxa uuna hishiiskaas uu aad u shabahaa midkii Zlatan Ibrahimović iyo Thiago Silva ugu wareegeen xagaagii hore kooxda PSG kaasi oo ay ku baxday aduun gaaraya 65-milyan oo euro .




Channel-ka kale ee Sky Sports24 ayaa iyana sheegaya in madaxda kooxda Monaco ay sidoo kale hishiiska soo giliyaan weeraryahanka reer France ee Milan M’Baye Niang si qiimaha sedexda laacib ay u gaarsiiyaan 72-milyan oo euro .




 




 




Waxaa la xusayaa in Galliani uu xusay waqti sii horeeyay in haddii ay helaan dalab qiihiisa sareeya oo ku aadan El Shaarawy in aysan diideyn , waxaana laacibkaan 20-sano jirka ah doonaya kooxaha Man City iyo Arsenal.