Pages

Thursday, June 13, 2013

MASHRUUCA QABYO QORALKA EE 5.5% EE QABYAALADA UMADA LAGU BARAYA WU SO DHAFAY URURADI SIYAASADA HADA KUBADI BU MARAYA WAXA KU XIGANA WAYNU EEGI !


 




Horumarinta iyo Noolaynta Qabyaalada UMADA Somaliland Oo an Odhan Karo Waxa Dhasha, Korisana Xukuumadan Hada uu Hogaamiyo Ahmed Siilaanyo aya Waxaynu Ka warqabnaa Heerarkii Kala Duwana ee ay soo martay Inako aad uga dharagsan wixi umada soo kala dhex galay intii aynu ku jirnay DOORASHA ku Sheegti dhacday ee Golayaasha Deeganka 21 ka degmo Doorasho ,




 




Furistii Ururada Siyaasada oo aha kuwii koobaad ee lagu nooleeyay qabyaalada waxa hada badashay Ciyaarihi Gobolada Somaliland oo iyaguna ka dhigan 9 kii Urur Siyaasadeed ee dalka laga furay kuna base garaysnaa Qabyaalad iyo deegaan oo an odhan karo waa dhalashadii Qabyaalada ee Somaliland , Ciyaaruhuna waa barbaarintii Qabyaalada ee umada la dhex keenaayay !




 




Waxaynu Wax badan Kaso baranay Waayihi Ina Soo maray oo laha qaar aynu Dhiig dhex galnay iyo qaar aynu dirqi ku badbaadnay waxa taariikhda madow ee foosha hada kuso biiray in CIYAARIHI GOBOLADA Somaliland laso dhex galiyo Qabyaalad iyado an lala baqaynba oo masuuliyiin iyo shicib badani dadka dhexdiisa si badheedh ah u marinayan hadalo dhalin kara xanaf umadu ku kala dhimato ,




 




Waxa Umada Somaliland yalaab ku ah inako soo qabsanay ku dhawaad 4 koob oo xukuumadii hore hirgalisay in xukuumadani koobki labad ee ay qabato durtaba ay so if baxday qabyaalad iyo is qabqabsi la sheegayo inu gacan ka hadal dhaliyay meelaha qaar sida kuwii Burco ka socday !




 




Waxanse aad uga Xumahay In Ciyaartoyda Ciyaaraysa 90% ku yimaadeen hab qabaail ah oo an cidna ka qarsoonayn waxan sido kala arkayna WASIIRADII iyo XILDHIBAANADI qaranka oo la kala safan iyagoo sheeganaya inay kaso jeedan meel gooniya waa ceeb iyo dhibaato umada la so dhex galinayo




 




Dalka waxa lagu soo qabtay 4 koob oo ka horeeyay xukuumadan hada  jirta dhamantood waxay ku socdeen kuna so dhamaadeen nabad galyo iyo isu hambalyayn iyo waliba is jacayl umada dhex galay , balse marnaba kamay muuqan siyaasad iyo qabyaalad toona sidedaba howlaha qaar hadii siyaasiyintu ku milanto waxay isu badasha qabyalad sida ciyaaraha IWM ,




 




Waxa Ayaan Dara wasiirada ka qayb gala malin walba Daawashada Ciyaaraha oo an la gaban cida ay taageersan yihin iyago ku sifeeya inay kaso jeedan lakin micnaha ku qarsooni tahay inay isku qabiil yihiin kuwa ciyaaraya , waa ayaan daro aynu galnay , waana mid an raadkeedu dhamaanayn mana jiri doonto haday sida kusii socoto cid danbe oo gobol kale u tagta ciyaar madama ciyaartoydii qabiilo isu badaleen.




 




Waxa Ceeb iyo wax laga yaqyaqsoodo ah in Garoonki Ciyaartu isu badalo halka MIISKA FALANQAYNTA qabyaalada waxa iyadu nasiib dara ah in Rag waawayn oo siyaasiyin ahi ka dhex hadlaan garoonka iyago dad waynaha xafada garoonka ku leh is dajiya oo dadka u dhexeeya waxan aad ula yaabay ugana yaqyaqsooday Xasan Ciise oo an la jeclaa inu Qaranka hogaamiya inu siyaasadiisa ku saleeyo garoonka ciyaaraha ,




 




Waxa sido kale ayaan dara in Ciyaartoydii reer burco ee waligeedba ciyaari jirtay isu badalan miiska kala qaybsiga kuraasta safanaysa iyado qabyaalad lagu salaynayo ! waa ceeb arimahaso dhana ay fara kula jiraan maamulka ciyaaraha , gobolka togdheer . iyo siyaasiyin si beelaysan meesha u maraysa waa dhibaato an in dhow hadhayn ,




 




Waxanse is waydiiya Suaalo dhowr ah oo an ka bartay mudadii ciyaaruhu socdeen waxan in badan hoos fadhiyay Tv yada waxan kalo in badan akhrinayay website yada iyo joornaalada dhamantoodna casharo an dhamad lahayn ban ka dhigtay waxa casharada sualahan iska waydiiyay ka mid aha kuwan




 




-          Xasan Ciise maxa ku kalifay inu ka hadlo taaraabuunka Stadiom ka Hargeisa isago leh dadwaynaha reer axmed dhagaxow is dajiya dhexna ahaada , ma reernimada ku kaliftay inu hadlo ilen Sports ku masuuliyin heer qaran iyo heer dagmaba wu leyahe




-          Wasiir Abiib Timacad maxa ku kalifay inu la safto si badheedh ahna dadka u gaadhsiiyo inu gabilay tagersan yahay ma reernimada uu kaso jeeda




-          Wasiirka Ciyaaruhu miyaanu garanayn marku saxaafada ka laha burco ciyaartoyda waanu uso qaybinay oo wa ku heshiis isago isaga iyo xukuumadisuba ay qabyaalad wax ku qaybinayen miyaanu fahansanayn in sports ku anu qabyaalad u baahnayn hadi la sameeyana wixi dhacay ay dhacayaan ma ciyaarahaanu khibrad u lahayn




-          Maxa soo dhex galiya howlaha shaqo noocay yihiinba ninka lagu magacaabo GUULEED ee ahan jiray ku xigeenka badhasaabka burco mudo ka hor ma qabiili qabiil u hadlaa




-          Maxa ku kalifay Xildhibaan Cali Mareexaan inu isna sida xubnaha hore oo kale badhtamaha garoonka ka yidhaahdo MA QAYBSAMO ee Burcan ahay ,




 




Waxa Isagu Amaan Mudan oo an Doorkan ka dhex muuqan nin an aad ugu aqaanay la kala safashada bulshada oo ah WASIIR XIRSI . doorkan kamu dhex muuqan kala qoqobka umada , amaan gaara ayuu mudan yahay .




 




Qabyo Qoraalka Bulshada Somalia ee aynu Dariska nahay aya waxa uu caan ku yahay Xeerka 4.5% ee ay ku yimaadan xildhibaanada iyo Masuuliyinta koonfurta Somalia maxaynu dhaana Inakuba waxaynu nahay 5.5% mar haday marayso in Ciyaaraha Gobaladu keenaan in ragi hargeisa ku dhashay la yidhaahdo deegaankaagi doono , hada wa sports ki hargeisa hadan tusaale idiinso qaato ciyaartoygii Kabtanka u aha Saraar wa Inan reer hargeisa waligiina hargeisa ka ciyaarayay lakin wuxu laso saftay magaaladii uu kaso jeeday dadka ciyaaraya dhaman ama badankooduna wa sida si leeg wan wada magacaabi kara lakin kana tusaale inoogu filan !




 




Dastuurka Cusub ee Xukuumadan Axmed Siilaanyo Waxan Odhan kara wa Qabyo Qoraal Dejinaya Ajandayaal bulshadu ku wada noolaato waxanina wax hadhaya maaha , sida URURADA SIYAASADA lo furanayo 10 ki sanaba mar , waxay ciyaaruhuna noqon doonaan sida si leeg oo labadii sanaba marba la ABTIRSAN DOONA , waa ayaan daro malinteeda leh mana aha wax hadhaya hadan cid farsamadeda taqan oo baabiisa la helin




 




Waxan malinwalba xasuusta Kalmad uu Rayaale ka yidhi qudbadiisi xilwareejinta oo ahayd { Waxan kaaga tagay dal iyo dad is haysta ee halaguugu yimaado } wa kalmad miisaankeeda leh waxa dhaba in aanay qabyaaladu heerkan ay manta marayso aanay malinta marayn , waana ayaan daro waana umadaha rida ee dib u celiya .




 




Hadalka oo an ku dheeraaday awadeed ana soo gaabinaya waxan leeyahay Mudane Madaxwayne hoos u eeg Xeerka 5.5% ee qabyo qoraalka ah ee xukuumadadu laso baxday qabyaalada aas intaad asi karayso !




Waxanan leeyahay dhowr kalmadood oo gaaban oo ah –




 




-          Madaxwayne Sports ka iyo qabyaaladu wa isu cadow caruurtaana isku nacda




-          Madaxwayne Sports ku cid khibrad leh kama maarmo kuraastaada dadka ku fadhiya khibrad ha u  lahadan shaqada aad u igmatay




-          Madaxwayne Qabyaalada marfashyada lagu yaqaanay laakiin haday timaado taaraabunada ciyaaraha laga daawado caruur islaysa u diyaar garow iyo hooyo goblanta




-          Madaxwayne hadii Wasiir kuraasta xukuumadada ku fadhiya cid gooniya noqdo waxad ogaata in an 18 kan wasaaradood lo bahanayn ee ay ka badanayan cid kastaana kursi laga tagero rabto




-          Madaxwayne in manfac la helo waxa ka qaalisan in magac la helo ku dadaal magaca xaaladkasta iyo arin kasta oo kuso waajahda




-          Madaxwayne hadan tusaale kuso qaato Xukuumadi Cabdilahi yusuf ee Dowlada aynu jaarka nahay waxay ka socon wayday Hogaamiye Kooxeedyo xaafado danahooda ka hadli jiray hadana kuwi kuwo la mida ii muuqda hadanad wax ka qaban oo anay taadu marwalba socona ceebad ka qaadaysa adanay dhaawac kugu tahay , ma yeeli karo qof dan xafadeed ama masuuliyad xafaded isi saaraya isagon ka tirsanayn xukuumada jirta marka ,




 




Sida iyo Gaba Gabo !




 




Waa Mohamed Ahmed ,




Hargeisa  Somaliland




063-4436369 / 063-4116707