Pages

Thursday, June 20, 2013

Martin Nersirky: Ban Ki Moon wuxuu cadho Xoogan iyo Shoog ka muujiyay Weerarka Xarunta UNDP"


New York(GNA)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo hadal kooban soo saaray ayaa sheegay inuu aad uga cadhaysanyahay Weerarka ay Mitidiinta Somalida ahi ku soo qaadeen xaruntoodii Magaalada Muqdisho (Somaliya).




Afhayeen u hadlay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, oo la yidhaahdo Martin Nesirky,ayaa sheegay in Ban Ki Moon, Isagoo ku sugan wadanka shiinaha oo uu hawlo shaqo u joogo qoraal kooban oo soo saaray ku sheegay inuu aad uga walaacsanyahay weerarkaasi “Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay wuxuu walaac ka muujiyay weerarka lagaga soo horjeedo UN-ka ee somaliya ka dhacay, waanu la shoogsan arintaasi, laakiinseWali wuxuu ku ka war sugayaa xogo dheeraad ah oo ku saabsan weerarkaasi oo soo gaadha xafiiska New York”ayuu sheegay  Mr Martin.