Hargeysa(GNA)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley Xulalka Kubadda Cagta Maroodi-jeex iyo Kolayga ee Gobolka Gabiley oo ku kala guulaystay labadii Koo bee Ciyaaraha Goboladda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa labada Xul ku bogaadiyay Guusha ay ka keeneen Ciyaarihii Goboladda, waxaanu mar kale Guddoonsiiyay Koobabkii ay ku kala guulaysteen.
“Waxaanu doonaynaa inaad noqotaa Ciyaartoo ku fekera dhismaha Ciyaaraha wadankooda iyo Jidh dhiskooda, waanan hambalyaynayaa Xulka Maroodi-jeex ee ku Guulaystay Koobka Kubadda Cagta iyo Ciyaartoyga Gabiley ee iyaguna ku guulaystay Basket-ka, waxaanan idinku boorinayaa inaad halkaa ka sii wadaan sportiga iyo dedaalka oo aad ku xisaabtantaan inaad Mustaqbalka noqotaan kuwa waddanka uga qayb gala Ciyaaraha adduunka”ayuu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay Ciyaartoyga.
Qaabilada Madaxweyneha ayaa ka dambeysay, ka dib markii shalay ka baaqday inuu ka soo qayb-galo Ciyaartii kama dambeysta ahayd ee ka dhacday Garoonka Hargeysa Stadium, taasoo la filayay inuu yimaado, ka dibna halkaasi ciyaartooyga ku guddoonsiiyo abaal marinada iyo koobabka.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu shalay uga baaqday Garoonka hawlo kale oo uu ku mashquulsanaa, wallow gelinkii hore qorshuhu ahaa inuu halkaasi tago.
Hase ahaatee Baaqashadiisa ayaa dareen badan ku abuurtay Bulshada Rayidka, waxaana ilaa maanta dadku isweydiinayeen sababta uu madaxweynuhu uga kaaftoomay Imaanshiyihiisa Hargeysa Stadium, oo maalintii furitaanka waxoogaa Shiid ah iyo Foodhi uu kala kulmay Dadkii Garoonka u soo Daawasho tegay.
Dadka qaar ayaa ku doodaya in madaxweynuhu cabsi dhanka amaanka uga baaqday Garoonka, hase ahaatee Saraakiil ka tirsan aqalka Madaxtooyada ayaa Gobanimonews u sheegay inuu gelinkii dambe ku mashquulay hawlo kale oo gaar u ah, inkasta oo ay ahayd Maalin Jimce ah oo nasasho lagu jiray.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sanadkii 2011-ka gabagabadii Ciyaaraha Goboladda kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Alamsi Staduim ee Magaalada Burco, halkaasoo ciyaaraha lagu qabtay sanadkaasi, isla markaana uu ka qayb-galka Ciyaarta u dambeysa awgeed uu u tegay magaaladaasi.
Halka uu shalay tegi kari waayay gunaanadka Koobkii labaad ee Goboladda loo dhigay, intii uu Xilka hayay oo lagu qabtay Hargeysa, isla markaana Garoonka ay ka dhaceen wax ka yar laba KM u jiro aqalka Madaxtooyada ee uu Dalka uga Arrimiyo.
Taasoo ah arinta dooda iyo dareenka shacbiga ka dhex dhalisay, tabisteeduna ay tahay mid loogu garaabayo Dadka Ciyaaraha ku foogan.
Gobanimonews
Hargeysa Office