Pages

Thursday, June 13, 2013

Madaxweynaha somaliya oo Xerada Maleteriga Xalane ku Qaabilay 18 Safiir oo ka socda Midowga Yurub


Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud ayaa   maanta Xerada Ciidamada ee xalane ee Magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu Hoggaaminayey Guddoomiyaha guddiga amniga iyo siyaasadda ee ururkaas Olof Skoog.




Weftigan oo ka koobnaa  18 safiir oo ka socday Midowga Yurub, ayaa la sheegay in madaxweynuhu kala hadlay  sidii loo xoojin lahaa dawladiisa iyo  EU, nabad-buuxdana loo aslaaxin lahaa somaliya, isla markaana wadamda Ururkaasi ku bahooba  kaalmooyinka kale oo aadanimo ee ay dalka siiyaan.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii kulanku dhamaaday Warbaahinta la hadlay, waxaanu  sheegay inay  wafdiga  isla soo qaadeen arrimaha ammaanka iyo siyaasadda dalka waqti xaadirkan, isagoo intaas ku daray in sidoo kale ay ka arrinsadeen waxa dowladda u qabsoomay iyo caqabadaha ay wajaheyso.




Waxa uu Madaxweyne Xassan Sheegay in Somalia ay Caalamka irdaha u fureen, isla markaana sida loogu jajaban yahay ay uga faa’iideystaan, isagoona Rajo ka muujiyay Kulankii manta uu la qaatay Madaxdaasi.




Dhanka kale, Wuxuu madaxweynuhu ka dhawaajiyey in Midowga Yurub uu kaalin wax ku ool ah ka qaatay ka bixitaankii dalka ee waqtigii ku meel gaarka, dhismaha hay’adaha dowladda iyo in mucaawinooyin joogto ah siiyaan Soomaaliya.




Ugudambeyntii, waxa uu sheegay in Somalia ay heysato Fursado badan ka faa’iideysigeedana looga baahan yahay Muwaadiniinta Dowladuna ay bixin doonto Juhdi ballaadhan oo indhaha Caalamka loogu soo jeedinaayo Somalia, isagoona ugu baaqay Umadda soomaaliyeed inay gurtaan midhihii 22-Sanno ay guran kari waayeen.




Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Weftiga Midowga Yurub, ayaa bogaadiyay Guulaha ay Dawlada somaliya gaadhay bilihii ugu dambeeyay, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan talaabo kasta oo ay qaado dawladu oo dhinaca horumarka ah.




Midowga Yurub ayaa dhawaan Magaalada Muqdisho looga dhagax dhigay Saldhigyo  ay tababar ciidan ku siin doonaan Milateriga Dawlada somaliya, waxaanu imaanshiyaha weftigani salka ku hayaa sida la sheegay sidii loo dar-dar gelin lahaa qorshaha Midowga Yurub Khubarada Tababarkaasi bixinaysa  ugu soo dirayo Bilaha soo socda.




Gobanimonews




Muqdisho Office