Pages

Friday, June 14, 2013

Madaxweynaha Dalka Kenya oo balan qaaday in uu la dagalamayo Musuq Maasuqa..


(GNA) Madaxweynaha dalkani Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waydiistey hey’adaha la dagaalama Musuq maasuqa inay sare u qaadaan dadaalkooda ay ugu jiraan sidii ay ula dagaalami lahaayeen arimaha musuqa ee dalka ka dhaca.




Madaxweyne Kenyatta ayaa tilmaamay in loo bahaan yahay in sida ugu suura galsan wax loogaga qabto kiisaska musuqa ee sare uga sii kacaya dalka isla markaasina la samayn doono isbadal arintaasi ka dhan ah.




Kenyatta ayaa sidoo kale uga digay hay’adaha kala duwan ee dowladda inay ka dheeraadaan falalka musuqa ah isagoo hoosta ka xariiqay in maalmahoodu ay tirsan yihiin.




Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hadii aan si deg deg ah wax loogaga qaban arimaha musuqa ee dalka in dalku uu ka gaabinayo vision ka uu hiigsanayo sanadka 2030 ka.