Pages

Saturday, June 22, 2013

Macalinka Italy Cesare Prandelli Oo Raaligelin Ka Bixiyay Inuu Ku Kaftamay Midabka Mario Balotelli.


Tababaraha xulka Talyaaniga Cesare Prandelli ayaa raaligelin ka bixiyay hadalkiisa ahaa in Mario Balotelli uu ahaa ciyaaryahan kaliya ee xulka ee loo ogolaaday inuu ka baxo Hotel-ka ay ka degan yihiin Brazil madaama uu madow yahay.




La taliyayaasha dhanka amaanka ayaa u sheegay xulka Italy oo degan Rio de Janiero inaysan ka bixin hotel-kooda inta uu socda mudahaaraadyada hareeyay koobka Confederations Cup.




Waxaana Prandelli uu u ogolaaday kaliya Balotelli inuu ka baxo hotel-ka madaama uu ka qeybgalayay shaqo tabarucaad ah oo wax loogu qabanayay caruur fuqaro ah oo ku nool Salvador.




Laakiin Prandelli markii uu saxaafada la hadlayay waxa uu sheegay in weeraryahanka AC Milan kaliya loo ogolaaday inuu hotelka ka baxo madaama uu madow yahay, isagoo kala jeeday inuu u egyahay dadka reer Brazil oo aan wax dhib ah soo gaareynin.




Laakiin ka dib raaligelin ayuu hadalkaas ka bixiyay si aan loogu qaadan inuu cunsuri yahay isagoo yiri: “Waan ka xumahay. Dabcan waxa ay aheyd kaftan.”




Isagoo ka hadlayay wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in Italy ay ka fiirsaneyso inay koobka isaga baxdo, madaama xulkooda ay ku sugan yihiin magaalada ugu badan ee ay banaanbaxyo waa weyn oo qalalaase wata ay ka dhacayaan. Waxa uu yiri:




 




 




“Inaan ku laabano gurigeena ma ahan wax aan ku fekereyno.




“Laakiin maalmihii aan Brazil joognay xaalada waa ay iska bedeshay Rio, halkii aan magaalada dhibaato la’aan ku booqan laheyn. Waxaan joognaa halkaan iyadoo mamnuuc ay naga tahay inaan ka baxno hotel-ka.




“Mudahaaraad nabadeed oo lagu horumarinayo wadanka waa la soo dhaweynayaa. Marka ay qalalaase isku bedelaan waa ay ina walwal geliyaan.”