Pages

Wednesday, June 12, 2013

Kismaayo oo lagu arkay Hub ay Dowladda Masar ugu deeqday Dowladda Somalia.


(GNA) Dagaalkii ka dhacay todobaadkii hore magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyey in ay qayb libaax ka qaadatey Dowladda Federaalka Somalia, eedayntaas ayaa ka timid maamul goboleedka Jubaland iyo welib maamulo kale oo ka jira dalka Soomaaliya, Dowladda ayaan eedayntaas si rasmi ah uga jawaabin.




Dagaalka ka dhacay Kismaayo ayaa dhexmarey Ciiddamo uu leeyahay Iftiin Xasan Baasto Maaleeshiyo Taabacsan Axmed Madoobe oo sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.




Maamulka Jubaland ayaa sheegay in dagaalka ay ka qaybqaateen Malayshiyaad ka tirsan Ururka al-Shabaab kuwaas oo ka faa’ideysanaya Khilaafka Dowladda iyo maamulka Jubaland, waxaana Jubaland sheegtay in Dowladdu u fududeysey in Shabaabku magaalada soo galaan.




Dagaalka kadib waxaa maamulka Jubaland sheegeen in ay gacanta ku dhigeen hub Cusub oo u badan qoryaha AK47 nooca lagu sameeyo dalka Masar ee loo yaqaan Maadi, kaas oo ay wateen qaar ka mid ah Ciiddamadda Madaxweyne Iftiin Xasan Baasto,Maamulka Jubaland oo aan weli si toos ah uga hadlin ayaa warbaahinta qaarkeed si hoose ugu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan hubkan inta uu tiro le’eg yahay, waxayse caddeeyeen in uu qayb ka yahay hub dhawaan Dowladda Masar ugu deeqdey Dowladda Soomaaliya.




Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa maamulka Jubaland tilmaameen in uu Injineer ka ahaa dagaalkii Kismaayo, hawsha keliya ee uu halkaas u yimidna ay ahayd isku dubaridka Ciiddamadda Iftiin Xasan Baasto.




Afhayeenka Jubaland Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in ay dhankooda dulqaad muujiyeen isla markaana ka hortageen in ay awood wax ku muquuniyaan, laakiin Fiqi markii uu arkey biseylka aan gaarney iyo in aanan dooneyn in dagaal aan galno, ayuu qaatey talaabo rasmi ah, waxaana uuna la soo baxay qorshihiisi u danbeeyey kaas oo aan isagana fashiliney ayuu yiri Seeraar.




Dagaalka ayaa ka bilowdey kadib markii Wasiirku gaashaandhigu uu la kulmi lahaa Iftiin Xassan Baasto taas oo laga horjoogsadey, Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in uu Kismaayo u joogay qaramaynta ciidamo Iftiin Xasan Baasto, gelinkii danbe ee shalay (Isniin) ayuu dib ugu noqdey Magaalada Muqdisho, isaga oo ay la socdaan Saraakiil iyo Shacbigii ku dhaawacmey dagaalkii Kismaayo.




Hubka dalka Masar ugu deeqday ee lagu arkey dagaalkii Kismaayo ayaa haddii la caddeeyo lana soo bandhigo noqonaya mid Fadeexad ku ah Dowlada Federaalka, sidoo kale tilmaamaya in qaaditaanka xayiraadda hubka ee Soomaaliya saarneyd si qaldan looga faa’ideystey oo dagaallo cusub dalka looga huriyey.