Kismaayo(GNA)-Kulamo aan xog rasmi ah laga heyn ujeedadooda, laakiinse ahdaaf kala duwan xambaarsan sida la warinayo, ayaa ka socda magaalada Kismaayo.
Waxa Magaallada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, xiligaani ka socda Kulamo u dhexeeya Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland gaar ahaan garabka Axmed Madoobe.
Kulanka Mas’uuliyiintaasi u dhexeysa ayaa waxaa la sheegayaa inuu salka ku haayo Khilaafka Xoogan ee garabka Axmed Madoobe kala dhexeeya Beelaha dega Magaallada Kismaayo iyo Mas’uuliyiinta ka soo horjeeda Jiritaanka Maamulka.
Kulanka ayaa waxa banaanka ka jooga Saxaafadda mana jira wax hadal ah oo kulankaasi kasoo baxaayo Walow ay wararku sheegayaan in Mas’uuliyiinta kulankooda kadib ay Saxaafadda la hadlaan.
Dhanka kale, waxa, gudaha Kismaayo ka socda kulamo gaar ah oo looga hadlaayo sidii kor loogu qaadi lahaa nabadgelyada Gobollada Jubbooyinka kulankaaso ka socda Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Kulanka Madaarka oo uu soo qabanqaabiyay Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka fedeeralka ah ee Soomaaliya, ayna ka soo qaybgaleen odayaasha dhaqanka ee beelaha wada daga Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa lagu falanqeeyey sidii gobollada looga dhigi lahaa kuwo aad u nabdoon.
Shirka ayaa weli socda mana jira wax faahfaahin ah oo kasoo baxaayo marka laga reebo warar hoose oo sheegaya in Kulanka uu yahay mid gaar u ah Mas’uuliyiinta, Saraakiisha iyo Aasaasayaasha Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe.