Pages

Saturday, June 22, 2013

Khabiir u dhashay dalka Ingiriiska oo la yidhaa Sean Miles, ayaa gacangashiyo cusub (Golofyo) cusub oo aad u qaali ah ka sameeyey sameecado lagu rakibaayo telefoonnada oo sida sameecada kale


London (GNA)- Khabiir u dhashay dalka Ingiriiska oo la yidhaa Sean Miles, ayaa gacangashiyo cusub (Golofyo) cusub oo aad u qaali ah ka sameeyey sameecado lagu rakibaayo telefoonnada oo sida sameecada kale (Airphones) lagu hadlki karo.




Galoofisyada oo loo bixiyey  Talk to the Hand ?Gacanta ka hadal? ayaa beerkii qoomahooda lagu iibinaya ?1,000 lacagta Ingiriiska ah.
New Roman´; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´">Gacan-gashiyadan waxa ku rakiban sameecad baabacada ku taal, halka cod-baahiyaha lagu hadlayana uu ku rakiban yahay farta si toos ahna waxay isugu xidhiidhinayaan telefoonnada gacanta.
Mr. Sean Mile oo aaladan sameeyey ayaa damacsana inuu adduunka tuso in telefoonnada wax kasta lagu xidhiidhin karo.




Dadka telefoonnada aadka u isticmaala waxay awooddi doonaan in ay gacmahooda sameecad ka dhigtaan, telefoonkooda oo jeebka ugu jira.
Mr. Miles labada beer ee ugu horraysa ee uu sameeyey midabyadoodu waxay kala yihiin huruud iyo casaan caddaan ku jiro, waxaana si toos ah loo soo bandhigi doona bisha July ee sannadkan.
?Waxaan rajaynaya in qalabkan dadku si fiican uga fikiri doonaan, isna waydiin doonaan waxa laga sameeyey, balse waa shay dadku wax badan kaga maarmi karaan,? ayuu yidhi Mr. Mile.