Nairobi(GNA)-Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa walaac weyn ka muujiyay Amaanka Gudaha Kenya oo sida ay sheegeen meeshii ugu xumayd maraya.
“Kenya waa dal awood badan leh laakiin waxaa haysta dhibaatooyin badan oo dhanka amaanka ah,waxaan mareynaa xilligii ugu adkaa marka la fiiriyo amaanka dalkeena” sidaas waxaa yidhi Patrick.
Mas’uulkan dawlada Kenya u qaabilsan ilaalinta xuduudaha ayaa intaas ku daray in xukuumadda Nairobi ay dhibaatada amni xumadu kaga imaaneyso gudaha iyo meelaha ka baxsan dalkeeda.
Kenya ayaa xaqiijisay inay wado qorshe ay ku baadi goobeyso diyaaradaha wax jaajuusa ee loo yaqaan Drones-ka si ay ugu isticmaasho la Dagaalanka Xarakada Al Shabaab.
Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in diyaaradahan Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn ay casri yihiin kuna rakiban yihiin Kumbiyuutaro xilliyada habeenkii wax lagu arki karo, si looga hortago kuwa khatarta ku ah amaankeeda, iyagoo xusay in ciidamada Kenya la siiyay tababarro ku saabsan adeegsiga diyaaradaha Drones-ka.
Taliyaha booliiska gobolka waqooyi Bari Kenya Charlton Mureithi ayaa Isticmaalka Diyaaradaha Drone-ka ee dawladiisu iclaamisay inay u adeegsanayso Shabaabka ku tilmaamay talaabo wanaagsan oo ay Kenya qaaday.
“Xuduuda aan Soomaaliya la leenahay waa 800-KM waxaana inta badan nooga yimaada Khataro dhanka amaanka ah, sidaas darteed waxaan u raadineynaa diyaaradaha Drones-ka inay ciidamadeena ka caawiyaan ilaalinta Xuduudaha”ayuu yidhi Mr Mureithi
Taliyaha Waqooyi Bari ayaa intaas raaciyay in Kenya ay xoogga saareyso sidii ay u noqon lahayd waddankii ugu horreeyay ee Afrika ee adeegsada diyaarada aan duuliyaha lahayn ee meelaha fog fog xogta kasoo uruuyiya , isla markaaana ciidamadiisa u sahla in ay beegsadaan goobo cayiman iyagoo anaan duulaan Mllatari qaadin.
Haddii Kenya ay u suurogasho arrintan waxay noqonaysaa waddankii ugu horreeyay oo ku yaalla Bariga Afrika ee isticmaala diyaaradaha aan lahayn duuliyaha taas oo tartan gelin karta wadama kale ee gobolka.
Maraykanka ayaa hore Ugaadhsiga Al-shabaab ugu adeegsaday Diyaaradaha Drone-ka, waxaana lagu khaarajiyay Saraakiil ka tirsanaan jiray Ururkaasi dhawr sano ka hor, wallow bishii hore Diyaarad noocaas ah oo maraykanku leeyahay ku soo dhacday Deegaan ka mid ah Gobolka Shabeeladda hoose oo ay Alshabaab a arimiso, taasoo gabi ahaanba bur-burtay.
Gobanimonews
Muqdisho Office