Pages

Thursday, June 20, 2013

Jamaal C. Xuseen: Somaliland way helaysaa Ictiraaf haday Kaalin fiican ka Ciyaarto Arinta Nile-ka, guddi Qaran-na loo Dhiibo Siyaasada dibada.


 




Daresalam(GNA)-Waxa magaalada Daresalalm ee dalka Tanzania Booqasho ku jooga  musharaxa madaxwaynaha xisbiga New Ucid  Jamal Ali Hussein.




Jamaal Cali Xuseen oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi  la kulmay bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkani Tanzania, kuwaasoo isugu jira Ganacsato, Arday iyo dad arimo kala duwan u jooga Dalkaasi.




sidoo kale waxa uu kulamo la qaatey ganacsatada reer Somaliland ee ku haysta ganacsiga kala duwan dalka Tanzania iyadoo halkaas uu ku casuumay ganacsadaha wayn ee Mohamud Mohamed Ducale (Mohamud Arab) oo ugu sameeyey casho sharaf huteelka caalamiga ah ee Kiliminjaro Hotel (Kampiski).








 




 




 




 




Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay munaasibada casho sharafta ah ee loo sameeyay, ayaa sheegay in baahida ugu weyn ee Somaliland qabtaa ay tahay Ictiraaf Caalamiya.




" Somaliland maanta waxyabaha ugu muhiimsan ee ay dunida ka rabta waa aqoonsi diblamasiyadeed oo ay ka hesho caalamka si taas loo helo waa in wax laga badalaa siyasada ku aadan ictiraaf raadinta aynu mudada dheer raadinaynay oo la sameeya urur isku dhafan xukumad xisbiyo iyo shacaba oo dar dar galiya arimaha aqoonsi raadinta”ayuu sheegay.




Musharax Jamaal, ayaa sidoo kale markii ugu horaysay ka hadlay muranka Biyaha Nile-ka ee Itoobiya iyo Masar “ Somaliland waa mandaqad ku taal meel istiratiji ah isla markaana waxan rajo wayn ka qabaa in ictiraaf  heli karto hadii ay kaadh fiican ka ciyaarto arimahaasi ku saabsan biyo xidheenka nilka ee Ethiopia iyo Masar isku hayaan.”.




Jamaal Cali Xuseen, ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay maanta xubno ka mid ah Madaxda Xisbiga Talada dalka Tansania, ee CCM, gaar ahaan Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi iyo xubno kale.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com