Saturday, June 15, 2013

Imtixaanka Dawlada oo ku Fashilmaya Burco iyo Ceerigaabo iyo Wasaaradda oo ka Shanlayn Doonta Hadaanay Waaga hortii Xal u helin


Burco(GNA)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sheegaya inay 70 macalin oo loogu talo-galay inay Ilaaliyaan Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Berri ka bilaamaya wadanku cabasho la hortageen Xafiiska Waxbarashaada Gobolka togdheer, ka dib markii ay Qawadeen lacagta loo qoondeeyay mudada Imtixaanku socdo.




Cabashada Macalimiintan ayaa la sheegay inaan ilaa hada la xalin, isla markaana Maamulka Xafiiska Wasaradda ee Gobolku ku riixay Wasiirka waxbarashada sam-sam Cabdi Aadan, taasoo la sheegay inay amartay in dib loogu soo celiyo Magaalada Hargeysa oo maanta laga diray.




Macalimiintan ayaa la sheegay inay wasaaraddu ugu talo-gashay mudada ay shaqaynayaan 10 Dollar maalin kasta, halka markii hore ay ka qaadan jireen lacag lagu sheegay $20 Dollar,  maalin walba.




Goob-joogayaal ku sugan Magaalada Burco, ayaa Gobanimonews u  sheegay inay macalimiintaasi Gabalku ugu dhacay Xafiiska Waxbarashada ee Gobolka, ka dib markii Guddoomiye ku-xigeenkaa gobolka Togdheer oo ay isaga laftiisa cabasho ula tageen xal u waayay arintooda.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay wasaarada waxbarashada Somaliland oo la xidhiidha Cabashadan macalimiinta,oo ah arin wada saamaynaysa dhamaan Goboladda wadanka oo dhan, noomanay suurto gelin inaanu helno Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanaadka qaranka oo anu xidhiidh dhinaca telefoonka ah la samaynayn, balse cabashadan ayaa ku soo beegmaya saacado uun ka dib markii Dhalinyaro mudaharaad ka dhigay Magaalada Ceerigaabo ku Hanjabeen inaanay ka qayb-gelayn  Imtixaanka beri furmaya.




Dhalinyaradan oo ka cadhaysan xeer-jajab ay sheegeen in lagu Jaan-gooyay Kooxaha u soo gudbay Wareega labaad ee tartanka Ciyaaraha goboladda,  ayaa soo bandhigay Kaadhadh sawiro ku yaalaan oo loo malaynayo inay ka mid yihiin ROLE NUMBER-da Imtixaanka lagu gelayo iyo macluumaad kale oo Imtixaanka qayb ka ah, kuwaasoo ay Habjabadooda ku ladhayaan.




Arimahan ayaa u muuqda kuwo faashilin kara hadaanay Wasaaradu Caawa xal deg-deg ah ka gaadhin, iyadoo khatarta ugu badan ee ka dhalan kartaana ay tahay imtixaanka oo suuqa gala, Macalimiinta Ilaalada ku qoran  oo Daacad ka noqon waaya hawsha loo diray iyo Ardayda Goboladda kale oo ku dayda  hadii kuwa Ceerigaabo wax fowdo ah sameeyaan.




Gobanimonews




Burco Office