Tehran(GNA) Doorashooyinka ka soconaya dalka Iran ayaa waxa uu maraya heerka ugu sareeysay iyadoo uu hogaanka cod tirinta uu wado halka nin ee ka socda xisbiga is bedal doonka dalka Iran Hassan Rohani.
Hogaamiyaha Isbedal doonka dalka Iran Hassan Rouhani ayaa ku hogaaminaya doorashada dalka Iran codadka 16,413,281 , 50.99 % halka xisbiga hogaanka dalkaas ugu badan ee Rohullah Khomaini ay ku xigaan.
Suxufiyiinta ku sugan magaalada Tehran ayaa afti ay ka aruuriyay shacabka reer Iran waxa aftida dad weynaha ilaa haatan hogaaminaya Rouhani iyadoo dhawaan la filan karo in lagu dhawaaqo madaxweynha cusub ee dalka Iran.
Waxaana saadaasha iyo qiimeynta lagusii saadaaliyay inuu ku guulaysan doono doorashooyinka hogaamiyaha isbedal doona dalkaas Iran Hassan Rouhani