Wednesday, June 12, 2013

Hay’ada Korantada Dawlada oo Yeelatay Maareeye iyo ku-xigeen cusub oo Hawl Culusi hortaalo


 




By: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)




Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkan magacaabay Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen cusub Wakaalada laydka dawlada ee Caasimada, ka dib mudo dhawr bilood ah oo ay Hay’adaasi maamulayeen Guddi madaxweyne u xil saaray oo xaqiiqo raadin maamul iyo dib u dhac Wershada la soo dersay loogu diray.




Axmed-yaasiin Aw-maxamed Jaamac oo ah Nin Waayo arag ah oo mudo 20 sanadood ku dhaw ka shaqaynayay Wadanka Ingiriiska, derejo mansab sarena ka  soo qabtay Wershado ku yaala wadanka Ingiriiska, ayaa loo magacaabay Maareeyaha Wershadaasi, kaasoo ku soo baxay tartan loo galay Shaqada hay’adaasi oo Guddida Qaran go’aamisay in Imtixaan loo gelayo, si meesha looga saaro Maamul xumadda iyo dib u dhaca bariinsaday adeegyada Wershada.




Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  maanta  Digreeto madaxweyne ku magacaabay Maareeye ku-xigeenka Wershadaasi Cabdilaahi Axmed yuusuf dubad, kaasoo Wareegtada Madaxweynuhu ku magacaabay  ay isla maanta ka soo baxday Aqalka madaxtooyada Somaliland, isla markaana Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimonews.




Laba Masuul, ayaa la filayaa inay maalinta Khamiista ee todobaadkan xilalka la wareegi doonaan, waxaana horyaala hawl aad u culus oo ay ugu weyntahay Dejinta nidaam Maamul oo ka bedelin kii hore ee ay wakaaladu ku kadantay iyo horumarinta Adeega Korantada ah ee ay bixiso, taasoo inay ka soo bixi waayaan aan wakhtigan looga baqi Karin, maadaama Maareeyuhu Imtixaan aan Maareeyayaashii ka horeeyay laga qaadin uu shaqada ku helay, isla markaana ku-xigeenkiisu ku yimi dariiq hubsasho iyo doorasho Madaxweyne ku xilka ku helay.




Gobanimonews




Hargeysa Office